Yaa Intuu Waddaagii Qawaday Kalidii Weel Miistay.? Eng Daa,uud Abiib Axmed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Intuu Waddaagii Qawaday Kalidii Weel Miistay.? Eng Daa,uud Abiib Axmed
September 8, 2015 - Written by Editor:

“Magacaagu yuu Noqon Mid Hunguri Ka Marag Kaca, Sida Macawisaha Qaar Ninba maalin Yuu Xidhan………Waxaa Sidaa Ka Dhigan Ku-xigeenka Golaha Ee Daaha Dabadiisa Laga hagayo………Eng Daauud Abiib Axmed”

Hargeisa(Wajaalenews) Siyaasi Daauud Abiib Amed Oo Kamid Musharaxiinta U Sharaxan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Somaliland Ee Fooda Inagu Soo Haya, Ayaa Tilaamo iyo Ficiloo Aan Qurux Badneyeyn Ku Tilmaamay Arrintii Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Aqlabiyada Golaha Lagu Ansixiyey Inaan La Wareejin Karin, Waxaana Uu sheegay quruxda iyo siyaasadu ahayd in haddii codkii sharciga ahaa lagaga adkaaday qoladan muxaafidka sheeganeysa  ay halkaa kaga hadhaan wixii kale oo dhami ay tahay dhooqo iyo dhiidhi, Waxaa Sidoo kale Siyaasi Eng Daauud Dhaliil Culus Dusha U saaray gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Oo uu Ku Tilmaamay Doonyaqaad Dantiisa ka Dhex Arkay Arrinta Balse aan Sharci Iyo Shacaba Waxba U meel Dhigan, Isla markaana waxa uu ku tilmaamay inay arrintanu ku noqon doonto boog madow oo taariikhda u gasha haddii aanu faraha ugala bixin  sida mudanayaasha kale ee rajada ka qaba shacabkii soo doortay, Waxaana uu intaasi ku daray siyaasigani in wakhtigu is guraayo islamarkaana shacabku sugayo isbedel cadaaliya oo xaqqa u hiiliya oo aan hunguri ka galin xoolaha unada, Waxaana Shacabka Somaliand usoo jeediyey inay ilaashadaa Nabadgalyadooda aaney jirin habayaraatee wax loodhigaa, isagoo Masuuliyiinta Hadda Talada Dalku Gacanta Ugu Jirta Ka Codsaday Inay U Tudhaan Shacabkooda Iyo Sharciyadii Umadani Ku Heshiisay oo Aanu Qofba Sida uu Doono Ka Yeelin,

 

Gabagabadiina Waxa uu hadalkiisa Kusoo Afmeeray Xikmada Odhaneysa Waa La Doogiye Yaan la Dacaroon,

 

W/Q:- Eng Siyaasi Daauud Abiib Axmed

COMMENTS
LINKS