Xukuumadda Waa Maxay Dhibta Haysaa ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Waa Maxay Dhibta Haysaa ?
September 9, 2015 - Written by Wariye:

Dhibaatadan haysa xukuumadda waa maxay Waatanoo way isku dhexyaac-santahay qofna qof maqlimaayo Qofna qof kama sarreyo waa wada madax-weyne

8 / 9 / 2015

Xukuumadda  waa  maxay  dhibta  haysaa

WAA  KEENE  IYO  KORDHIYE .

KEENE. . waaryaa  kordhiye  saaxiib  waxa  aan  ku  weydiiyay

Dhibaatadan  haysa  xukuumadda  waa  maxay

Waatanoo  way  isku  dhexyaac-santahay  qofna  qof  maqlimaayo

Qofna  qof  kama  sarreyo  waa  wada  madax-weyne

Waxa  kuu  caddayna  ya  warqaddii  shalay  guddoomi-yaha

Berbera  u qoray  qolada  wax  kala  soo  degta  dekedda

Ee  ka  hadlay  say  lacagta  lagu  kordhiyay  oo  ku  wii  dekedda

Ay  aqbaliwaayeen  .

KORDHIYE . saaxiib  waxa  aan  kuu  sheegayaa  waxan  oo  dhan

Waa  laysla  ogyahay  waa  tuug  isku  xidhan  midna  mid  daakhili

Mayo  warqaduna  waa  lugooyo  shacabuun .

Haddaan  kaaga  jawaabo  su,aashii  hore  xukuumadda  dhibta

Haysaa  waa  laba  ta  hore  waa  kalsooni  darro  aanay  isku

Kalsoonay  qofka  haddii

kalsoonidu  ka  maqantay  wuxuu ufekeraa

Sidii  qof  fula  ah  arinkiisu  wuxuu  ku  soo  ururaa  wax  iska  celi

Hadal  aad  tidhina  ha  ka  noqoniin  waa  kaa  difaaca  uun  ku  jira

Ta  labaad  waxa  weye  waa  aqoon  daroo  aanay  aqoon  ulahayn

Waxan  loo  diray  inta  yare  wax  yara  fahmaysana  maaha

Rag  adag  waa  dar  ay  kuwii  jaahiliinta  ahaa  amrayaan

Oo  aan  diidi  karayn.

WXUU  YIDHI  ALLAHAYAW  NIN  GOBABAAN  AHOO  GUNI

RIFAY  SAAYE .

Mahadna ( ALLAA ) iskale

Guuleed  liibaan  ( caynabo )

COMMENTS
LINKS