Xukuumada Siilaanyo Oo Indhaha Ka Qarsatay Go,aankii Golaha Wakiilada, Dhawaaqa Shacabka JSL Iyo Wareejinta Haamaha Shidaalka Oo Bilaabantay +Khatarta Abni Ee Shirkadaha Lagu Wareejinayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Siilaanyo Oo Indhaha Ka Qarsatay Go,aankii Golaha Wakiilada, Dhawaaqa Shacabka JSL Iyo Wareejinta Haamaha Shidaalka Oo Bilaabantay +Khatarta Abni Ee Shirkadaha Lagu Wareejinayo.
September 16, 2015 - Written by Editor:

Maxaa ka jira in Xukuumada Somaliland Diblamaasiyiin Reer Galbeeda Iyo Wadamada Jaarku Uga Digeen Khatarta Abni Ee Madaxda Shirkadaha Qaarkood  Oo lagu Xidhiidhiyo in ay Gacan Saar  Dhow La Leeyihiin Kooxaha Xagjirka ah?

HARGAYSA(Wajaalenews) Xukuumada Madaxwayne siilaanyo Gadhwadeenka ka yahay ayaa mudadii ay xilka Haysay waxay ku kacday hanti boob jabinta xeerar dalka muhiim u ahaa iyo wareejinta haayadihii dawlada oo ay gabi ahaanba gacanta u galisay shirkado pritave ah.

Hadaba mudooyinkii udanbeeyay ayaa waxaa moran xoogani ka taagnaa wareejinta haamaha kaydka shidaalka ee magaalada berbera oo muhiimad wayn u leh qaranka iyadoo hore si sharci daro ah looga qaday shirkadii TOTAL oo iyadu ku maamulaysay  heshiis caalamiya oo ay la gashay dawlada mudadiisuna aanay dhamaan xiligan awooda lagaga qaaday,

Sidoo kale xukuumada siilaanyo ayaa iyadu ka gacanta ku haysay maamulka haamaha shidaal halka wixii dhaqaale kasoo baxana sitoosa loo keeno qasriga madaxtooyada dhaqaalaha kasoo baxa haamaha shidaal ayaan ku dhicin qasnada dawlada.

HAAMAHA SHIDAALKA

Xukuumada oo sidaa umaamulata aduunka kasoo baxa haamaha ayaa xiligan go,aansatay in ay ku wareejiso shirkadaha dalka keena shidaal iyo qaar cusub oo laga leeyahay qasriga madaxtooyada.

Arinta wareejinta haamaha shidaal berbera ayaa dalka ka dhalisay muran xoogan oo sobabay in golaha wakiiladuna laalaan, wareejinta haamaha shidaal,

Go,aanka golaha wakiilada ayaa waxa dhibsaday xukuumada madaxwayne siilaanyo waxayna soo celiyeen laalistii golaha wakiilada taasi oo sobob u noqotay in shir gudoonka goluhu gacanta iskula tagaan dhacdadaasi oo somaliland u gaysatay dhaawac wayn oo ah xaga subcadii galu yiqiin somaliland oo ahayd isku tanaasul, wadatashi

Abaabulkan dhacdadan golaha ayaa waxaa iska lahaa madaxtoyada somaliland oo ah halka dalka ugu saraysa ayna saaran tahay masuuliyada qarankani, nasiib daro se waxa kasoo fulay waxaa dhacay iyo wax kasii fog.

Heshiiska iyo wareejinta haamaha shidaal oo ay daba kariixayaan xubno awoodo ku leh qasriga madaxtooyada ayaa xiligan bilaabay in si hoose loo wareejiyo maamulka haamaha shidaalka iyadoo labadii maalmood ee udanbeeyay ay wasaarada ganacsigu bilowday sidii shirkadaha loogu wareejin lahaa iyo in shaqaalihii hore  loo siin lahaa xaqoodii, si gabi ahaanba gacan ku haynta haamaha ay ugu kalisaystaan shirkadaha xukuumadu wadato. halkaasina ay shaqo waayaan boqolaal muwaadiniin ahi.

Sidoo kale wadamada somaliland jaarka la ah iyo diblamaasiyiin reer galbeeda ayaa la sheegay in ay  ka dayriyeen xaalada Amaan  ee gacan ku haynta kaydka shidaalka somaliland ee shirdaha xukuumadu siisay oo qaarkood madaxdooda lala xidhiidhiyo in gacan saar dhow la leeyihiin kooxaha xagjirka ah oo khatar wayn galin kara xaalada Abni ee Gees iyo Guud ahaan somaliland

Dhanka kale wararkan ayaa tibaaxay in xukuumada somaliland looga digay wareejinta haamaha kaydka shidaalka oo hadii ay u gacan galaaN shirkadahan aan la saadaalin karin layskuna lahayn karin kaydka shidaal somaliland

Shirkadaha xukuumada siisay maamulka haamaha kaydka shidalka ayaa ah kuwo aan bulshada somaliland waxba kusoo celin dhaqaalaha adag ee ay ka helaan dalka waxaana la xusay in shirkadaa qaarkood faaiidada ay ka helaan somaliland lagu maal galiyo arimo badan oo somaliland lidku ah.

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS