Xukuumada M/weyne Siilaanyo Oo U Banbaxday Burburinta Sharciga iyo Boobka Hantida Umada…. Qalinkii:. Mohamed Gacayte | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada M/weyne Siilaanyo Oo U Banbaxday Burburinta Sharciga iyo Boobka Hantida Umada…. Qalinkii:. Mohamed Gacayte
September 8, 2015 - Written by Editor:

“Wali lama arag xukuumad kaambayn ugu jirta in lagu taageero dulmiga iyo boobka hantida umada”

“Arinka wareejinta haamaha shidaalku waxay la mid tahay Waraabow Adhi Maad Raaci”

Umadi waxay dawlad ku noqotaa kolba sida ay ugu dhaqmaan ama ay u ixtiraamaan Dastuurka ama qaanuunka ay dhigato si loo helo nidaam iyo kala danbayn. Sidoo kale ilaalinta ku dhaqanka shuruucda waa astaanta horumarka ay dawladi ku gaadho hiigsi iyo horumar la taaban karo oo leh cadaalad iyo sinaan bulshada dhexdeeda. Cid kasta oo garab marta ku dhaqanka shuruucda waxa ay noqdaan qaran fashilmay oo burburay.

GAACAYTE

Hadaba xukuumada maanta talada haysaa waxay u banbaxday inay baalmarto shuruucdii dalka oo sida ay doonto u adeegsato ee iyaga raali galinya, taasina waxay u fududaysay inay sifo sharci daro ah u wareejiso ama u iibiso hantidii umadani lahayd iyada oo aanay jirin wax baahi ah oo kalifaya in waqtigan la iibiyo, xukuumadu waxa kale oo ay caadaysatay inaanay soo marin heshiisyada ay wax ku iibiso ama ku wareejiso hantida umadu leedahay, xukuumadu waxay cid gaara siisay 1. Warshadii Laydhka Hargeysa 2. Warshadii Laydhka Berbera 3. Shirkadii NEC Fish Berbera iyo Maanta oo Haamihii Shidaalka Qaranka La iibinayo…..

Waxa is waydiin leh waa maxay danta ugu jirta in xukuumadu ku wareejiso cid gaar ah oo ay wadato? Maxaa diiday in loo dartamo oo umada loosoo bandhigo cid kasta oo danaynaysa maalgashiga haamaha inay ka qayb qaadato oo loo mari waayay habkii qandaraasyada qaranka loo bixin jiray?

Waxaan xasuustay ereyo hees uu tiriyay abwaan jaamac riyo mar uu cabirayay sida xukuumada m/weyne siilaanyo u boobtay hantidii umadani lahayd, waxaana ereyadaa ka mid ahaa:-

“Dan guud iyo boobisteeda,

Duul ooman waraabintooda,

Adoo duma-baa roone,

Dilaalka badheedhayoow”

 

Hadaba heshiiskan ay doonayso Xukuumadu inay ku wareejiso haamaha shidaalka waxa loo maray hab aan sharci ahayn waa heshiis la fool eryayo oo laga leexiyay habkii sharciga waafaqsanayd.

Kadib markii Golaha Wakiiladu ay cod aqlabiyad ah ku laaleen Heshiiska Wareejinta Haamaha Shidaalka, Xukuumadu arintaa way liqi kari wayday waxay ku noqotay laf dhuun gashay waxa cadaatay in xukuumadu garab martay sharcigii inay noqotay mid u hiilinaysa sharci darada iyo dulmiga ay ku doonayso inay cid gaar ah siiso maamlida haamaha shidaalka ee qaranku lahaa iyadoo Xukuumada m/weyne siilaanyo ku jirta mudo dhaaf aan sharci ahayn.

M/weynahu waxa laga rabaa inuu noqdo ka sharciga ilaalinaya laakiin maanta ma muuqato taasi, Golaha Wakiiladu waxay ugudbiyeen m/weynaha go,aankii lagu laalay wareejinta haamaha shidaalka, sharcigu ma dhigayo in m/weynahu soo celin karo go,aan gole gaadhay waayo waa go,aan shacbi, G.wakiiladu waxay u adeegsadeen laalista heshiiskan Qodobka 12aad, faqradiisa 3aad ee ee Dastuurka Jam S.land, sidoo kale M/weynahuna soo celinta go.aankan wuxuu u adeegsaday Qodobada 38aad faqradiisa 3aad, 54aad faqradiisa 3aad. Hadaba Dastuurkii lagu kala bixi lahaa ma waxa uu noqday mid qof kasta raali galinaya (sharci iyo sharcidarada), bal ila wadaaga ereyo taabanaya muhiimada uu leeyahay ku dhaqanka sharciga iyo hadii la baal maro wax iman kara:-

“Dawlada iyo Baarlamanku Waa Dab iyo Baaruud,

Hadii Aan Distoorkeenu Noqon Daw mid Kala Siiya,

Danab iyo Hilaacbay Ahaan Dila Sokeeyaha”

Sidaas darteed Waxaan xukuumada m/weyne siilaanyo kula talin lahaa inay ka waantowdo wareejinta hantida umadu leedahay ee aan wax duruufo ah aanay keenin cid gaar ahna lagu naasnuujinayo. Takale M/weynaha waxa lagudboon laba arimood inuu qaato go,aanka G.wakiilada  iyo inuu hor geeyo golaha wakiilada heshiiska wareejinta haamaha shidaalka.

Ilaahay sida khayrku ku jiro hayna waafajiyo

 

Qalinkii: Mohamed Aadan Gacayte

Falanqeeya Arimaha Siyaasada

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS