Xukumadda Oo Si Adag Uga Hadashay Xadhiga Suldaan Sabayse iyo Axmed Muumin Seed Oo Cambaareeyay Xadhiga Sabayse iyo Boqor Raabi Akhriso. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumadda Oo Si Adag Uga Hadashay Xadhiga Suldaan Sabayse iyo Axmed Muumin Seed Oo Cambaareeyay Xadhiga Sabayse iyo Boqor Raabi Akhriso.
September 18, 2015 - Written by Wariye:

seedHargeysa(Wajaalenews):-Wasiir kuxigeenka amniga ee wasaaradda daakhiliga Somaliland ayaa si adag uga hadlay xadhiga Suldaan Sabayse xukumaddu u gaysatay habeenkii Jimcihii, isagoo suldaanka ku eedeeyay inay hayaan caddaymo muujinaya inuu kicin dadweyne sameeyay.

“Ninkaasi suldaanka ah ee shalay la soo qabtay ee lagu magacaabo Mawliid, wuxuu baryahan ku jiray abaabul xooggan oo nabadgalyo darro ah, warkiisana waanu haynaa, hadalo xiqdi ah oo dadweynaha kicinaya ayaanu ku hadlay inta badan. Waxa loo haystaa kicin iyo abaabul nabadgalyo darro, iyo hadalo abuuraya nabadgalyo darro. Abaabulka waa marka qofku yidhaa dadka soo kaca oo dawladda waxaad doontaan baad ku samayn kartaan, suldaana wuxuu ka shaqeeyaa nabadda,” ayuu yidhi Wasiir kuxigeenku isagoo BBC-da la hadlaya.

Wasiir kuxigeenka oo la waydiiyay su’aal nuxurkeedu yahay “Wasiir arrinta Suldaan Sabayse idinku dhaliilay ee ah wareejinta haamaha Berbera iyo gacan qaadkii ka dhacay golaha wakiilladu ma nabadgalyo darraa? Waxa uu ku jawaabay “ Adeer waxa weeye Haamaha shidaalka xukumad baa u xilsaaran. Xukumadda ayuu sharcigu siinayaa inay iibin karto, inay kiraysan karto, muwaadiniin reer Somaliland ah baa la siiyay, ninka ka soo horjeeda ee leh maxaa loo siiyay dee waa nin wax kale doon ah. Dimuqraaiyaddu maaha wixii dastuurku I siiyay haddaan ku dhaqmo oo adigoo shacabkaygii ah aad iska shoobarayso waa lagu qaban markaas,” ayuu yidhi Wasiir xigeenku.

Geesta kale Axmed Muumin Seed, guddoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boorama ayaa arrintan ku canaantay xukumadda “Runtii waxaan kalmad kooban ka odhanayaa  xukumadda Axmed Siilaanyo waxay baryahan dambe la soo baxday inay xidhxidho madaxdhaqameedka, boqorada iyo salaadiinta. Waxaynu ogayn in hore loo xidhay Boqor Raabi oo muddo ku xidhan Hargeysa, waxaa nasiib darro ah in haddana xalay la xidhay Suldaan Mawliid Sabayse oo ka mid ah salaadiinta ugu waaweyn. Runtii waanu cambaaraynaynaa xadhiga suldaanka.

Waxaanu faraynaa xukumadda oo aanu leenahay arrintaasi waa arrin ceeb ah. Waa mid ku ceeb ah milgaha dawladnimada iyo gayiga Somaliland ba. In Boqorada iyo salaadiinta inta guryahooda lagala baxo la xidhaa ceeb bay ku tahay dhaqanka qaranka Somaliland. Waxaanu xukumadda ugu baaqaynaa in si degdeg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo boqorka iyo suldaankaba,” ayuu yidhi Mr Seed.

Booliska ayaa cawaysnimadii Jimcuhu soo galayay xabsiga u taxaabtay Suldaan Mawliid Sabayste oo xukumadda ku canaantay wareejinta haamaha Berbera, sidoo kalena khaladkii gacan qaadka Cirro iyo Baashe dusha ka saaray xukumadda oo dabada ka riixaysa Baashe.

Sidoo kale waxaa muddo todobaad ku dhaw Hargeysa ku xidhan Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo xukumadda ku dhaliilay qorshaha y degaanka Banka qoolcaday kagaga dhigayso seero xidhan, halka uu isagu la doonayo dhul daaqsimeed inay ahaato.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye: Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS