|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukumada Maanta Jirtaa Waxa Ay Maraysaa Waraabihii Yidhi Ila Meeraysta…
September 20, 2015 - Written by Editor:Xukumada Kulmiye ee maanta talada dalka haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa waxa ay mareysaa wakhtigii Sakaraadka. Waraabe ayaa meel uu deganaa waxaa afarta jiho Bari, Galbeed, Waqooyi iyo Koonfurtaba ka xigay reero oo uu jaar la ahaa halkaas ayuu isna deganaa oo uu carruur ku dhalay Waraabihii ayaa duqoobay oo xanuunsaday markii xanuunkii ku batay ayey carruurtiisii u yimaadeen markii Waraabihii xanuunkii ku batay ee Sakaraadkii qabtay ayey carruurtisii is yidhaahdeen qaaday markii ay qaadeen ee ay la dhaqaaqeen ayuu yidhi halkaa ha imarinina reerahaa yaala ayaan xoolahoodii ka cunee way ka so noqdeen hadana jihadii kale ayey ula kaceen hadan uu diiday oo waxa uu yidhi kuwan xoolo ayaan ka cuney ilaa uu Afartii jihoba uu diiday in la mariyo oo uu sheegay in uu dhamaan reerahan uu xoolo ka wada cuney oo godob u wada taal markaasay caruurti ku yidhaahdeen halkeenu ku marinaa Waraabihii ayaa ug Jawaabay ila Meeraysta inta ay naftu iga baxayso. Xukumada maanta jirtaa waxa ay maraysaa halkii waraabihii oo maanta garan mayno meel ay u socoto ee arinkeedu waa ila meeraysta. Markaa maanta meeraysigii ayey ku jirtaa. Mohamed Ali Sh. Omer Hargeisa Somaliland Mataan448@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|