XOG CULUS;Wiilka Uu Madaxwayne Siilaanyo Sodoga U Yahay Oo Noqday Maskaxda Ka Danbaysay Wareejinta Haamaha Shidaalka Iyo Dekeda Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOG CULUS;Wiilka Uu Madaxwayne Siilaanyo Sodoga U Yahay Oo Noqday Maskaxda Ka Danbaysay Wareejinta Haamaha Shidaalka Iyo Dekeda Berbera.
September 13, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) wiilka uu madaxweyne silaanyo sodoga u yahay ayaa la ogaaday in uu ahaa maskaxda ka danbaysay wareejinta dekeda berbera iyo haamaha shidaalka isaga oo dano ganacsi oo gaar ah uga dan lahaa.

shabakada wararka ee wajaalenews oo soo xiganaysa nuqul kamida nuqulo uu wargayska the Indian Ocean Baahiyay horaantii bishii febaury ee sanadkan kaas oo lagu qaadaa dhigay hantida uu ku leeyahay wadano badan wiilka uu sodoga u yahay silaanyo, odoroskii wareejinta haamaha shidaalaka iyo shirkadaha uu watay.

nuqulkan ayaa lagu sheegay in wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne siilaanyo BAASHE CAWIL CUMAR Oo xiligana loo magacaabay Safiirka somaliland u qaabilsan Emaraatka  uu hantiyo badan ku leeyahay wadamo   ay kamid yihiin Nairobi, London, Manchester, Hargeisa,iyo dubai.

wiilkan ayaa madaxweyne silanyo ka codsaday in uu u baahan yahay in lamaaal galiyo isaga oo madaxweyne silaanyo ka codsaday in uu kooto ugu siiyo laba shirkadood oo uu wato kuwaasi oo kala ahaa in dekeda berbera ay lawareegaan shirkadaha DP world oo horumariya dekedaha taasi oo keentay in wiilkani isasoo hor fadhiisiyo silaanyo iyo wafti kasocda shirkadaas.

Ta labaad ayaa iyaduna ahayd sida lagu sheegay warbixintan in shirkada Emirate National Compnay oo loosoo gaabiyo UNOC ay soo dajiso shidaalka laguna wareejiyo haamaha shidaalka si uu baashe ugu sii dhoofiyo wadanka ethiopia ayaa laguyidhi war bixintan.

labadan shirkadood ayaa qandaraas uu ku siiyay madaxweyne siilaanyo wiilka uu sodoga u yahay sidii qorshuhu ahaa xiligaas taasi oo keentay inlawreejiyo Haamaha  balse ay laaleen baarlamaanku tii haamaha shidaalka oo rabshad wayn ka abuurtay guud ahaan dalka gaar ahaan golaha sharci dajinta.

HALKAN HOOSE KA EEG QORAALKA WARGAYSKA INDIAN OCEAN;

http://www.africaintelligence.com/ION/who-s-who/2015/02/27/president%E2%80%99s-son-in-law-bashe-awil-haji-omar-plays-for-high-stakes-in-berbera,108064082-GRA

 

 

COMMENTS
LINKS