Wasiirka Caafimaadka oo Masuul Cusub u Magacaabay Xilka Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka oo Masuul Cusub u Magacaabay Xilka Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gabiley
September 14, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews) -Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa masuul  Cusub u magacaabay xilkii Isuduwaha Wasaarada caafimaadka ee Gobolka Gabiley, islamarkaana xilkii ka qaaday Isuduwihii hore ee caafiimaadka Gobolka Gabiley.

Jimcaale Daahir Cumar

Sida ku cad digreeto Wasiika Caafimaadku Mudane Dr. Saleebaan Ciise Axmed soo saaray kuna taariikhaysan 13 bishan ayaa wasiir Xaglatoosiye waxa uu u magacaabay Dr. Jimcaale Daahir Cumar inuu ahaado Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Gabiley, waxaanu xilkii Isuduwenimo ka qaaday Isuduwihii horee caafimaadka Gobolka Gabiley Dr. Ciise Sheekh Maxamed.

Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye waxa uu ku sheegay digreetada in uu markii uu arkay kuna qancay  aqoonta iyo kartida shaqo ee Dr. Jimcaale Daahir Cumar uu gartay inuu u magacaabo xilka Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Gabiley.

Waxa kale oo Wasiir Xaglatoosiye uga mahad celiayay Isuduwihii hore ee Caafimaadka Gobolka Gabiley Dr. Ciise Sheekh Maxamed sidii wanaagsanayd ee uu ula soo shaqeeyay Wasaarada Caafimaadka mudadii uu xilka hayay.

Digreetadan oo sawirkeedu hoos ka muuqdo waxay u dhignayd sidan”

MAGACAABIS

Maanta (Shalay Axadii) oo ay bishu tahay 13/09/2015 markaan arkay kartidiisa shaqo iyo aqoontiisa waxaan u magacaabay Dr. Jimcaale Dahir Cumar Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Gabiley.

Sidaa darteed,  waxaan masuulkii hore uga mahad naqayaa sidiii wanaagsanayd ee aad uga soo shaqaysay caafimaadka gobolka waxaanan ku rajo waynahay inaad si hufan  aad ugu wareejin doonto masuulka cusub ee loo soo magacaabay

Isuduwaha Cusub ee Caafimaadka Gobolka Gabiley Dr. Jimcaale Daahir Cumar waa aqoonyahan dhalinyaro ah oo aqoonta caafimaadka ka soo bartay Jamaacad ku taala wadanka Suudaan, islamarkaana mudo ku soo shaqaynayay mihnada caafimaadka.

 

COMMENTS
LINKS