Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Jaxaastay Jeebkana Ka Buuxsaday Malaayiin Doollarka Maraykan Ka Ah Oo Dawlada Kuwayt Ugu Deeqday Madaarada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Jaxaastay Jeebkana Ka Buuxsaday Malaayiin Doollarka Maraykan Ka Ah Oo Dawlada Kuwayt Ugu Deeqday Madaarada Somaliland
September 5, 2015 - Written by Editor:

Wasiir Xaashiga Duulista Iyo Hawada Somaliland wuxuu ka mid ahaa wasiiradii la magacaabay wakhtigii xukuumada kulmiye dalka qabtay waxaana loo magacaabay inuu noqdo wasiirka  wasaarada duulista iyo hawada Somaliland, waxaa laga filaayey inuu wax badan ka qabto  dhanka Garoomada diyaaradaha nasiib wanaagna  Dawlada carbeed ee kuwayt ayaa bixisay Balaayiin doollarka maraykan ka ah oo lagu caawinaayo  dibna loogu dhisaayo Garoomada Diyaaraha Somaliand si ay ula jaan qaadaan kuwa caaalamka, Lacagahaasi xadiga badan waxay gacanta u galeen wasiir xaashi oo aan xadi lacageed oo intaasi leeg hore gacantiisa usoo gelin, wuxuuna lunsaday, jaxaastay jeebkana ka buuxsaday malaayiin dollarka maraykan ka ah oo  kamida dhaqaalahasi kuwayt ku caawisay Somaliland wuxuuna guryo hanta badan kaga iibsaday wadamo kamida UK .

 

Wasiirka Duulista waxay waxaaradiisu qaadaa Lacago badan kuwaasoo ay ka qaado dadka Madaarka cigaal kasoo degaaya lacag dhan $40 kuwa ka dhoofaaya laga qaado $15 halka dadka xayntaabka hore ee madaarka  soo gala soon doona dadkooda dhaafaya ama soo deganaya  calaa qof laga qaado $1 dhamaan lacagahaasi kuma jiraaan Miisaaniyada qaranka balse waxay ku dhacaan jeeb gaara uu leyayay wasiir maxamuud xaahsi isagoo si khaldan u maamusha, waxaaana ay  dadka ku tahay tacadi iyo dulmi xisaabteeda loo raacaayo isla masuulka jideeyey oo ah maxamuud xaashi.

Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi (Muhanad) waxaa hada dul hoganaysa fadeexad iyo ceeb miisaankeedu aad u culusyahay  ka dib markii uu bilaabay ololaha ku adeegsiga dhalinyarada uu isagu musdanbeedka u yahay  kana soo hago daaha dabadiisa  kuwaasoo ku amaana  qoraalo aan si xirfadaysan loo qorin oo aad arkayso inay soo qareen dad qoraalka nafi u geysay, waxaana uu samaystay koox hada loo yaqaan budhacada saxaafada ee wasiir xaashi, waxaana ay  qoraan qoraalo ay si indho la,aana oo is maqiiqa isaga ugu amaanaan halka ay  ku caayaan  siyaasiyiin hadyad u helay  habmaamuuska haybada siyaasadeed oo markii uu ku gaadhi waayey siyaasad wanaad, waxqabad, karti iyo aqoonba uu miciin biday in inamo yar yar oo aqoonta iyo garadashada ZERO ka ah oo noloshaba ka dhaceen qaarkoodna aan haybtoodaba la garnayn  uu isagu dabada kasoo hago isagoo ku fangaraynaaya  dhaqaalihii umada.

Wasiir Xaashi oo dadka reer Somaliland u yaqaaniin wasiirka labada madaar ayaa tahli kari waayey inuu wax qabto madaarada kale ee Gobolada Dalka sida Boorama, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Burco, wuxuuna ku fashilmay xilka qaranka uu u hayey ka dib markii uu shan sano kusoo koobay  wax qabadkiisa laba madaar oo keliya  islamarkaana  lacagihii madaarada kale wax lagaga qaban lahaa uu jeebka shubtay .

 

Ugu danbayntii Hanti dhawrka guud  iyo golayaasha baarlamaanka ayey u taallaa wax ka qabashada iyo la xisaabtanka masuulka ku takri falay xadi lacag hanta qaran ah oo goobihii loo asteeyey dayacanyihiin halkii dadkeediina ka gaajoonayaan.

 

 

W/Q: Mufakar Darwiish Elmi

mufakar2016@gmail.com

COMMENTS
LINKS