Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Xadhiga Taliye Sablaale Iyo Salaadiinta Xidhan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Xadhiga Taliye Sablaale Iyo Salaadiinta Xidhan.
September 26, 2015 - Written by Editor:

Wasiir kuxigeenka wasaaradda daakhiliga ee maamulka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in taliyaha loo xidhay

Hargaysa(Wajaalenews)Wasaaradda arimaha gudaha   Somaliland ayaa ka hadashay sababta keentay in xabsiga la dhigo taliye xigeenka laanta socdaalka Somaliland Gaashàanle Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) oo maalmihii u dambeeyay Hargeysa ku xidhan.

https://youtu.be/LaSqgSOGC-Y

Wasiir kuxigeenka wasaaradda daakhiliga ee maamulka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in taliyaha loo xidhay amar wasiirka arimaha gudahu  siiyay oo uu diiday.

“Taliye kuxigeenka waxaa loo xidhay amar diido uu sameeyay. Wasiirka waxay iskugu dhaceenna waa amar diidaas uune wax kale maaha. Waxa keenay xadhigiisa anshaxa ayaa la marinayaa,” ayuu yidhi mr Cadarre oo wargeyska Saxansaxo la hadlay.

Taliye xigeen Sablaale ayaa dhawr cisho ka hor la xidhay, isagoo ilaa haddana xidhan. Waxa la sheegay in

wakhtiga la xidhay ay shir kuwada lahaayeen wasiirka daakhiliga wasaaradda arrimaha gudaha.

Geesta kale wasiir xigeen Axmed Faarax Cadarre, waxa uu sheegay in bacda Ciida sharciga la hor gayn doono salaadiin xidhan “ Salaadiinta waxaa sharciga la hor gayn doonaa marka Ciidu ina dhaafto, markaas baa shaqadooda la gali doonaa,” ayuu yidhi mr Caddarre.

Boqor Raabi iyo Suldaan Mawliid Sabayste, ayaa muddo todobaado ah ku xidhan magaalada Hargeysa kadib markii xukumaddu ku eedaysay kicin iyo arrimo ammaanka ka dhan ah.

 

 

 

COMMENTS
LINKS