Warbixin; Daaha Ka fayday Xaaladda Guud Ee Waxbarashadda Somaliland Iyo Hoos U Dhaca Maamul Ee Wasaarada Waxbarashada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin; Daaha Ka fayday Xaaladda Guud Ee Waxbarashadda Somaliland Iyo Hoos U Dhaca Maamul Ee Wasaarada Waxbarashada.
September 4, 2015 - Written by Editor:

Waxa kale oo Daraasadani Soo Bandhigtay Sida Gobollada Saaxil iyo Gabiley ay uga Aradan yihiin Miisaniyada Wasaarada Waxbarashada Iyo Doorka Muhiimadeed Ee Goboladani Ay Ku Leeyihiin Qaranka Somaliland…

SAWIRKA WAARADA WAXBARASHADA

HARGAYSA(Wajaalenews) Mudadii Xukuumada uu Madaxwayne siilaanyo hogaamiyaa talada dalka haysa oo hada maraysa shan sano iyo dheer ayaa isbadal wayni ku yimid guud ahaan waxbarashada somaliland hoos dhacaasi oo ah amaba saamaysay dhamaan qaybaha waxbarsho ee somaliland waxa kale oo ay soo kordhisay in ay isdhexgalaan waxbarashada somaliland iyo ta maamulka somaliya iyadoo masuuliyiintii somaray wasaarada waxbashadu dorbidayaa mashaariic ay ka helaan dhaqaale yar  oo kaliya halka ay guuldarooyin wayn usoo jiideen waxbarshada dhanka kale waxaa  gabi ahaana baaba,ay iskuuladii dawladu  maamusho  iyagoo dhinaca kale dhiiri galiyay iskuulada gaarka loo leeyahay,

XILWAREEJINTII WAXBARASHADA

Xogta laga ururiyay daraasadan ayaa Muujinaya fashilka siyaasadeed iyo guuldarada Asiibtay wasaarada waxbarashada oo loo sibir saarayo xagal daac maamul iyo mid  siyaasadeed oo ku yimid  isku xidhka waaxaha kala duwan ee wasaarada waxbarashada, 12Ka Iskuul ee la daraasadeeyay oo dhamaantood ku yaala caasimada hargeisa ayaa hoosta ka xariiqay in uu hoos u dhacay kormeeradii wasaaradu ugu kuurgali jirtay xogogaal u noqoshada xaaladaha dhabta ah ee iskuulada iyo waaxyaha kala duwan ee wasaarada ee ilaa heer gobol, dagmo iyo tuulaba. Tayadii waxbarashada oo guud ahaan hoos u dhacday iyo iskuladii dawliga ahaa oo qarka u saaran inay xidhmaan, Waxa sare u kacay tirada ardayda ka tagaysa iskuulada (School drop outs). Waxay daraasadani muujisay in aanu jirin siyaasad guud oo jaangoysa waxbarashada somaliland oo ay wasaarada waxbarashadu curisay lagana talo galiyay aqoonyahanka reer somaliland,.

daraasadan Waxaanu ku ogaanay musuq maasuq baahsan oo aafeyay wasaarada waxbarashada iyadoo aanu soo xiganay warbixino kala duwan si aynu ugu kuurgalno xogogaal u noqoshada xaalada dhabta ah ee waxbarashada somaliland.

  1. CAQABADAHA WAXBARASHO EE GOBOLADA DALKA SOMALILAND

Guddidadda  Ilaalinta iyo Daba galka hantida qaranka ee Gollaha Wakiillada oonu ka soo xiganay darraasad balladhan oo dhinacyo badan taabanaysa oo ay soo bandhigeen ayaa   daaha ka rogtay in Goboladii saamayn weyn ku yeelatay Maamul daadajin la’aanta wasaarada waxbarashada iyo musuq maasuq, hadaba caqabadaha soo foodsaaray gobolada ee Waribixntani iftiimisay waxa ka mid ah:-

Miisaaniyada: Waxay daraasaddani muujisay in aanay gobolladu  helin saamigii ay ku lahaayeen miisaaniyada wasarada waxbarashada taas oo dabartay dhaq dhaqaaqii waxbarashada gobolada oo dhan

Dhismayaal Xafiis: Daraasaddu waxay daaha ka fayday in Isku duwayaasha wasaarada waxbarashada iyo shaqaalaheeduba intooda badani aanay lahayn  xafiisyo ay ugu adeegaan bulshada

Gaadiid: Waxay daraasadu intaa ku dartay in Inta badan Masuuliyiinta waxbarashada ee goboladu  aanay lahayn  wax gaadiid ah

Warbixintan ay soo saartay guddida ilaalinta iyo dabo galka hantida qaranka ee golaha wakiiladu waxay kale oo ay daaha ka fayday musuq maasuqa ragaadiyay wasaarada waxbarashada, warbixintu waxay si cad u tilmaantay in ay luntay isku dheelitirkii waxbarashada gobollada dalku, Hadaba inagoo og in waxbarashadu ay door-weyn ka qaadato midnimada ummada iyo dib u dhiska dhaqan dhaqaale ee qaranka.

Waxaanu idinla wadaagaynaa Shaxdan hoos ku dhigan oo isbarbar dhiga guud ku samaynaysa goboladu qadarka ay ka helaan miisaaniyada waxbarashada Somaliland

Tusmo1: Isku dheelitir la’aanta Miisaaniyadda waxbarashada ee Gobolada dalka

 

Tiro Wasarada/hayada Bishii Miisaniyada G. Awdal G. Gabiley G. Saaxil G.Tog-d h e e r G. Sool Total
1 Wasaarada waxbarashada $113,328.00 1,538.1$ 0.0 0.0 888.8$ $ 565 2,992.00

Daraasadan ayaa waxay daaha ka fayday in miisaaniyada bishii ee wasaarada waxbarashadu ay dhan tahay $113,328, goboladana ay gaadho $2992 oo noqonaysa  2.64% oo kaliya. Waxa kale oo daraasadani soo bandhigtay sida gobollada Saaxil iyo Gabiley ay uga aradan yihiin miisaniyada wasaarada waxbarashada iyo doorka muhiimadeed ee goboladani ay ku leeyihiin qaranka Somaliland.

LASOCO QAYBTA DANBE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS