War Deg Dega; Madaxtooyada Oo Go,aamisay In Suldaan Mawliid Sabayste Loo Dhaadhiciyo Jeelka Madheera Abaabulka Iyo Kacdoono Lagaga Soo Horjeeda Xadhiga Suldanka Oo ka Socda Maagalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Dega; Madaxtooyada Oo Go,aamisay In Suldaan Mawliid Sabayste Loo Dhaadhiciyo Jeelka Madheera Abaabulka Iyo Kacdoono Lagaga Soo Horjeeda Xadhiga Suldanka Oo ka Socda Maagalada Hargaysa.
September 18, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wararka laga helayo Qasriga Looga Arimo Somaliland ayaa Waxaa caawa fiidkii Shir ku yeeshay Masuuliyiinta Abniga iyo xubno Talada Dalku ka go,do Kuwaasi oo iskugu yimid Sidii loo Qorshayn lahaa in Suldaan Mawliid Sabayste Oo Xalay Ciidamo uu hor kacayo Taliye kuxigeenka Booliska Fooxle iyo Taliyha qaybta galbeedka AFNIN GO,AYLE ay kasoo qafaasheen guriga salaadiyiinta subeer awal

seed

Hadaba shirkan ayaa la sheegay in ay ku go,aamiyeen sidii Suldaan Mawliid oo maanta Laga saaray Xarunta C,I,D Lana geeyay jeelka wayn ee hargaysa loo sii dhaafin lahaa iyadoo lagu wado in ay geeyaan jeelka madheera.

Masuuliyiinta ayaa sida ilo ku dhow dhow tibaaxeen isla qatay in lageeyo Xabsiga MADHEERA AMABA JEEL MAAGALADA BURCO Inkastoon si rasmiya loo hayn halka dhabta ah ee ay gaydoonaan

Waxase laysla qorsheeyay in caawa ilaa AFARTA Subaxnimo laqaado suldaanka

Xukuumada iyo laamaha Abniga ayaa la sheegay in ay ka Sas ka qabaan baabulo iyo mudaharado lagaga soo horjeedo xadhiga suldaanku oo caawa abaabulkoodu ka socdaan xaafadaha 26juun iyo koodbuur, qaybo kamida xaafada gacan libaax,

Dhanka kale xukuumada ayaa lasheegay in ay xoog uga qabsi qabto xadhiga dhowr suldaan oo maalmihii udanbeeyay ay xidheen

xukuumada madaxwayne siilaanyo ayaa xadhiga suldaanka uga dan sidii ay bulshada uga mashquulin lahaayeen boobka ay ku hayaan hantida qaranka

Si kastaba ha noqotee waxaa iyana dhinacooda abaabulo u socdaan qaarkamida mujaahidiin SNM kuwaasi oo sida la sheegay qorshaynaya in xukuumada laga difaaco iibinta haamaha shidaalka iyo dekeda berbera oo iyana dhawaan lagu dhawaaqayo in xukuumadu heshiis la gasho shirkad caraba oo iyadu uga danle sidii dekeda berbera loo fadhiisan lahaa wax horumara aanay u gaadhi halka xukuumada siilaanyo ay siinayaan waxo gaa dhaqaale ah,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS