Wafti ka socda Dalka Jabuuti oo la filayo Inay Somaliland u Yimaadaan soo Af-jarida Baadhitaanka Qaraxii Jabuuti Iyo Doonista laba Maxbuus oo Hargeysa iyo Berbera ku Xidhan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti ka socda Dalka Jabuuti oo la filayo Inay Somaliland u Yimaadaan soo Af-jarida Baadhitaanka Qaraxii Jabuuti Iyo Doonista laba Maxbuus oo Hargeysa iyo Berbera ku Xidhan.
September 28, 2015 - Written by Editor:

Waxay baadi-goob ugu jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen laba Maxbuus oo Hargeysa iyo Berbera ku xidhan.

Hargeysa(Wajaalenews) ilo wareed Waaheen heshay ayaa sheegaya in wefti ka socda Dalka Jabuuti ay Somaliland u iman doonaan sidii ay usoo af-jari lahaayeen baadhitaano kaga hadhsan dadkii ka danbeeyey qaraxii Jabuuti ka dhacay sanadkii hore, kaasoo ay Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Jabuuti iska kaashanayaan sidii loo heli lahaa dadkii ka danbeeyey, iyadoo Dawladda Jabuuti hayso maxaabiis xukuumadda Somaliland u gacan galisay, kuwaas oo aan wali la maxkamadayn.

jabuuti.jpg

Lama oga weftiga imanaya tiradiisa iyo xilalka ay ka hayaan Dalka Jabuuti, hase yeeshee warar xogogaal ah ayaa sheegaya inay ka mid yihiin Madax sare iyo kuwa ka tirsan Sirdoonka oo qaarkood la sheegay inay sadexdii bilood ee u danbeeyey ay dalka ku sugnaayeen isla markaana wadeen baadhitaano dheeraad.

Warar Waaheen ka heshay baadhitaanada Sirdoonka Jabuuti ka wadaan Somaliland ayaa sheegaya in uu ku qotomo gabadh reer Somaliland ah oo la sheegay inay Booliiska Somaliland qabteen dhawaan, taasoo ay xukuumadda Jabuuti doonayso in loo gacan galiyo hase yeeshee ay wali xukuumadda Somaliland diidan tahay, gabadhaas oo la sheegay inay markii hore ku xidhnayd saldhigyada Booliiska Hargeysa.

Sidoo kale, waxay wararka qaarkood sheegayaan in ay Baadi doon ugu jiraan sidii loogu sii dayn lahaa Maxbuus Reer Jabuuti ah oo magaaladda Berbera ugu xidhan Eedo ay xukuumadda Somaliland u xidhay oo ah in uu dekedda Berbera ka fulinayey, kuwaas oo la sheegayo in ay yihiin kuwo basaasnimo.

Maxbuuska Reer Jabuuti ee Berbera ku xidhan ayaa la sheegayaa in uu jeelka ku jiro muddo ka badan shan bilood illaa hadana aan Maxkamad la horgeyn, mana jiro wax hadal ah oo Xukuumadda Somaliland iyo Jabuuti ka soo baxay oo ku saabsan xadhiga ninkan.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore usii daysay Askari Reer Jabuuti ahaan jiray kaasoo maxkamaddu muddo sanad iyo dheeraad ah ku riday xukun kadib markii lagu eedeeyey in uu hawlo basaasnimo ah kaga shaqaysan jiray Hargeysa.

Si kasta ha ahaatee, dhacdooyinkan u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti ee la xidhiidha baadhitaanada iyo Dacwadaha Qaraxyadii Jabuuti iyo kuwa basaasnimada ah ayaa noqday kuwo meelo badan laga hadal hayo, waxaana toddobaadadii ugu danbeeyey indhaha dadweynaha Reer Somaliland usoo jiidatay xaflad lagu furayey xafiis laanta Socdaalka Somaliland ku leedahay xuduudka labada Dal oo ay furayeen saraakiil reer Jabuuti ahi.

 

 

XIGASHO  WAHEEN

COMMENTS
LINKS