Waa Sidee Xidhiidhka Qarsoodiga ah ee U Dhexeeya Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Sidee Xidhiidhka Qarsoodiga ah ee U Dhexeeya Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani
September 3, 2015 - Written by Editor:

Qaar badan oo kamid ah Taageerayaasha Mucaaridka ee Xisbiga Wadani iyo xubno badan oo kamid ah taageerayaasha Kulmiye ee garabka

Hargeysa(Wajaalenews)-Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),iyo Muuse Biixi Cabdi oo ah hogaamiyayaasha Labada Xisbi ee Mucaarid iyo Muxaafid ah ayaa, la sheegay in Xidhiidh qarsoodi ah oo saaxiibtinimo hoose ahi ka dhexeeyo kadib markii dad badan oo labada Masuul kala taageersani u dhaba galeen Xidhiidhkooda iyo Weerarada afka ah ee ay isugu duurxulaan mararka qaarkood oo dhab ahaan loo dareemin.

kkkkkkk(6).jpg

Qaar badan oo kamid ah Taageerayaasha Mucaaridka ee Xisbiga Wadani iyo xubno badan oo kamid ah taageerayaasha Kulmiye ee garabka Muuse Biixi ayaa, isla waafaqey xidhiidhka qarsoodiga ah ee ka dhexeeya Labadan Masuul waxaaney inta badan ku kulmaan qeybta sare ee huteelka Maansoor ee Caasimada Hargeysa oo ay ku kala warqaataan arooryada hore, arintan oo shaki galisey xubno badan oo siyaasiyiin ah oo katirsan Xisbiga Wadani iyo kuwa katirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye, kuwaas oo dhamaantood akhriyi kari waayey xidhiidhka qarsoodiga ah ee u dhexeeya labadan masuul.

Inkastoo, mararka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka hadlayo arimaha taagan, xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo uu muujiyo in uu weerarayo Gudoomiye Ciro oo uu inta badan ku tilmaamo, inuu Gudoomiye Ciro kamid yahey Golaha Xukuumada haseyeeshee, aanu aheyn Mucaarid hadana dad badan ayaa u arka hadalada Muuse kuwa af gobaadsi ah oo uu ku tusinayo Kaadirada Xisbiga Kulmiye iyo Golaha Xukuumada in uu kasoo horjeedo Gudoomiye Ciro iyo Xisbigiisa Wadani laakiin aaney taasi aheyn mid sii fog maadaama aanu Gudoomiye Ciro habayaraatee hadal adag ugu jawaab celin Muuse Biixi(Gudoomiyah Kulmiye),inta badana ay si gun iyo baar ah isu xogwareystaan kulamo badana wada qaataan.

Gabagabadii Mudooyinkan dambe Kulamada labadan masuul ayaa sii xoogeystey,iyadoo aaney hore u dhicin in Laba Xisbi oo lid isku ahi ilaa heerkan raali kala noqdaan taas oo dad badani u asbaabiyaan in sababta ugu weyni tahey maadaama aanu Gudoomiyaha Kulmiye awood ka madax banaan Xukuumada u laheyn Xisbiga.

 

COMMENTS
LINKS