Waa Kee Hogaamiyaha Aynu Rabnaa??? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kee Hogaamiyaha Aynu Rabnaa???
September 8, 2015 - Written by Editor:

Ma Dhurwaa i haystaan             ku baddali dhurwaa kale       mise aniga dhiil xoor ,     igamaba dhamaadee

marka dhahar la waayaba

dhiqlaa soo badali jiray.

… Axmed Genius (AHN). 1984

 

waxay bulshadeenu tan iyo Aas aaskii Qaranka jamhuuriyada somaliland oo ku beegnaa 18/May/1991 kii oo ay somaliland dib ula soo noqotay Dawladnimadeedii. ku sugnayd xaalad lagu macnayn karo “Shalay dhaantay” waxay nu ku nisbayn karnaa in aan bulshadani marna sawiran Hogaamiyahay u baahantahay isla markaana aanay Akhriyin sooyaalkii taariikheed hadba Cida inay Hogaamiso Hungurigu ka hayo. taa badalkeedana ay Caadifad iyo Sabab aan ka durugsanayn inay ka markaa Jooga ka codeeyan wax ku doortan. waxaynu isla qiraynaa in hogaamiyaha aynu rabno aynu doonayno inuu Sifooyinkan la haado 1.  Hogaamiye qaran oon qolo ahayn 2. inuu qadiyadeena Caalamka ka iibiyo 3. iyo in aanu Hantida ummada cid gaara ku naas-nuujin isna si gaara u isticmaalin.

Hadaba si uu u noqodo kaa aynu rabno waa in ayna sooyaalkiisa ku xardhanayn sifooyinkani.

  1. waa in aanu Barro, Beer iyo hanti kaloo dad wayne gaar u manaafacaadsan, tani waa cabbir iyo miqiyaas aynu ku ogaan karo sida ay Hantida ummadu uga bad-baadi karto inuu Cid gaara ku naas-nuujiyo iyo inuu lafihiisa u isticmaalo. oo hadii isagoo Dibad jooga ay ka suura gashay ka fili mayno inay ka nabad gasho isagoo fadhiya daarta dalkan looga taliyo
  2. waa in aan Reer gaari usoo cumaamadanin Hogaamiyahan uu inaga rabo. tani haday dhacdo waxay dhaawacaysaa Qaranimadii iyo hanankii xisbiyada badan ee aynu uga guurnay hab beeleedkii. waxayna ina dhaxal siinaysaa in reer kaa soo cumaamaday talada u danbaysa ee qarankan gooyaan. mar walbana waxa la huba in beeli isku raacdo Shakhsi ay hubisay inuu danaheeda gaarka ah fulinayo oo Awooda qaranka ee ay sababteeda la haayeen inay gacanta u gashana uu iyaga ugu qabiilo kiillayo. waxayna judhaba daaqada ka saaraysa inuu hogaamiye qaran noqodo.
  3. waa inuu xadhiidh siyaasadeed oo qoto-dheer la leeyahay dalalka Caalamka, Afrika iyo kuwa geeska Afrika ba. tani waxay sahlaysaa inuu İib geeyo qadiyada Aqoonsi raadis ee aynu ka filayno. hadii se aan tani hore u jirin wuxuu iib gaynayaa Qofnimadiisa iyo shakhsi nimadiisa halkaynu ka filaynay inuu qadiyadeena iib geeyo.

 

la soco qormada tan xigta iyo İsbarbardhiga Sifooyinkan iyo Hogaamiyayaasha Axsaabta qaranka somaliland ee maanta.

 

Mustafe İid Maxamed

Jiilaal01@gmail.com

Hargeisa – Somaliland

COMMENTS
LINKS