|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Taliban Oo Xabsi Ku Yaala Aghanistan Ka Siidaysay 350 Maxbuus, Askarna Ku Dishay
September 14, 2015 - Written by Wariye:
Kuxigeenka badhasaabka gobolka Ghazni ayaa BBC-da u sheegay in weerrarka uu dhacay saaka aroortii. Maxamed Cali Axmadi ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay aad u nidaamsanaayeen, islamarkaana xidhnaayeen dirayska milateriga. Mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku qarxiyay albaabka xabsiga, taasi oo kooxda inteeda kale u suuragalisay in ay xoog ku galaan xabsiga. Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujaahid ayaa xaqiijiyay in kooxda ay weerarkaasi ka dambeysay. Taliban iyo kuxigeenka badhasaabkaba waxa ay xaqiijiyeen in saddex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday la dilay. Badhasaab ku xigeenka ayaa sheegay in 7 askari oo boolis ah iyana ay dhaawacmeen. Wajaalenews.net Related posts:Xildhibaan Naasir Qodax Oo Komishanka Doorashooyinka Ugu Baaqay In Bulshada Ucadeeyaan In Ay Doorash... Hargeysa: Ardaydii Iskuulada oo Saaka ku Habsaamay Wadooyinka oo Boolisku ku Hor istaageen Basas-kii... Ururka Telefishanada Madaxa Banaan Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Xayiraada Ka Qaado Laba Telefiishan COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|