Urur Ingiriis ah oo Magaca Cusbitaal ku yaal Somaliland qaadhaan kaga dalbaday Caalamka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Urur Ingiriis ah oo Magaca Cusbitaal ku yaal Somaliland qaadhaan kaga dalbaday Caalamka
September 8, 2015 - Written by Editor:

London, (Wajaalenews) – Urur ka dhisan dalka Ingiriiska, ayaa ugu baaqay Bulshada Caalamka inay tabarucaad ka geystaan qorshe ay Mishiinka loo adeegsado Suuxinta xilliga qalliinka ugu iibinayaan Cusbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla Somaliland, oo dalalka Adduunka ugu faqiirsan ka mid ah.

Qoraal Ururka SAWW ku baahiyey Mareegtooda ayuu ku sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka ugu badan ee Hooyada iyo Carruurtu ku geeryoodaan xilliga dhalmada, maaddaama uu yahay dal aan aqoonsi haysan, inkastoo uu yahay dal xasilloon oo ammaan ah.

Cusbitaalka Al-Xayaat ee Somaliland, balse aan magaalada uu kaga yaal aanay qoraalkooda ku sheegin Ururkani, ayaa lagu sheegay qoraalkooda inuu leeyahay saddex Tiyaatar qalliinka lagu fuliyo, balse mid keliyi leeyahay Mishiinka dadka lagu suuxiyo ee caawiya qalliinka. Ururkan, ayaa sheegay in dhaqaalaha loogu yabooho ay ugu iibin doonaan Mishiinka dadka lagu suuxiyo oo wax badan ka tari doona in qalliinada dhibaato la’aan loogu fuliyo.

Geesta kale, Wargeyska Himilo, ayaa ka xaqiijiyey Maamulka Cusbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla magaalada Boorama inay la socdaan hawsha Ururka SAWW tabarucaadka ugaga dalbanayaan Caalamka. Gudoomiyaha Cusbitaalka Al-Xayaat Dr. Maxamed Xasan, oo xalay Wargeyska Himilo la xidhiidhay isagoo ku sugan magaalada Boorama, ayaa xaqiijiyey inay ka war-qabaan hawsha Ururka SAWW ugu  soo iibinayaan Mishiinka dadka lagu Suuxiyo.

Dr. Maxamed Xasan oo ka jawaabaya su’aasha Wargeyska Himilo ka weydiiyey hawsha Ururkaasi wado, waxa uu yidhi; “Maamulka Cusbitaalka Al-Xayaat oo hoos yimaadda Jaamacadda Camuud way la socdaan hawsha Ururka SAWW ugu soo iibinayo Mishiinka dadka lagu Suuxiyo, dhawaana Macluumaad ayaan ka sugaynaa xilliga ay keeni doonaan, marka uu yimaaddo ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonnaa.”

 

 

COMMENTS
LINKS