|
|||||
WAJAALE NEWS
Tirada Dadka Somalida AH Ee Ku Dhintay Xajka Oo Wali Kor U Sii Socota.
September 25, 2015 - Written by Editor:Tirada dadka somalida ah ee ku dhimatay Xajka ayaa ilaa haatan gaadhaysa tobodba qof sida uu VoA u sheegay Axmed Aadan Digaal oo ka mid ah dadka somalida ah ee ku sugan Xajka. Waxa uu xaqiijiyey inay ilaa hada dhinteen todoba qof oo somaali ah kuwaas oo afar ka mid ahi ka yimaadeen dalka Kenya, halka sadex kalana ay ka yimaadeen dalka Somaliya, isaga oo sheegay in dhimashada faraha badan ee ka dhacday gudashada waajibaadka Xajku ay keentay xujaajta oo isku cidhiidhyey wadooyinkii ay marayeen. Waxa uu sheegay in tirada dadka somalida ah ee ku dhimatay xajku ay intaas ka badan karto inta hada la ogyahay, taas oo uu sheegay inay suura gal tahay inay soo baxaan dad kale oo dhintay, isaga oo tilmaamay inay ilaa hada socdaan dedaalo lagu doonayo in lagu ogaado tirada rasmiga ah ee ku dhimatay xajka. – Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi oo Qaabiley Agaasimaha Guud Ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka Madaxweynaha Jsl Oo Qaabiley Safiirka Cusub Ee Dalka Denmark Oo Safarkiisii U Horreeyey Ku Yimid So... ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐ฒโ๐๐da ๐ค๐ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฐ๐จ๐จ๐-๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฐ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |