Suxufi Toban Sano U Shaqaynayay BBC Oo Maca Salaameeyay + Waa Kuma?(Akhri) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suxufi Toban Sano U Shaqaynayay BBC Oo Maca Salaameeyay + Waa Kuma?(Akhri)
September 27, 2015 - Written by Editor:

ssss
Waxaa sharaf ii ah kadib ku dhawaad toban sano oo aan la shaqeeyay BBC oo ah hey’ad warbaahineed oo caalami ah in aan ugu danbeyn ka ruqseystay. Waxa aan BBCSomali ku soo biiray 14 Juun 2006dii ,maalintii ay Maxkamadihii Islaamigu qabsadeen Jowhar oo Shiikh Shariif oo xilligaa ahaa Gudoomiyaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga uu ka qudbeeyay garoonka k/cagta ee degmada Jowhar.

Waxaan Eebe uga Mahad celinayaa in uu iga soo badbaadiyay waqti adag oo aad u dhib badan oo aan ka mid ahaa wariyayaashii ka warrami jiray Muqdisho waliba xilli ay dhibaatada jirtay awgii wariayaal maxalli ah ay dalka ka carareen. Labo jeer ayaan dhaawacmay labada jeerna Eebe waa ii yasiray oo dhaawac fudud ayaa i gaaray. Waxaan u soo joogay xaalado aragagax leh oo aan marnaba ka go’i doonin qalbigeyga.

Xilliga adkaa ee BBC aan la shaqeynayay wax badan ayaan ka bartay ,tababaro badan ayaan ka helay,waana uga mahad celinayaa BBC kobcinta xirafadeed ee ay ii sameeyeen ,taa badalkeedana waxa aan aaminsanahay in wax badan aan ku biiriyay intii aan u shaqeynayay kuwaas oo wax ku ool u noqday dhamaan qeybaha BBC World Service.

Waxa aan la kulmay oo aan warar iyo wareysiyaba ka qaaday Madaxweynayaal ,Raysulwasaarayaal ,Wasiiro iyo Masuuliyiin iyo shacab badan oo Soomaaliyeed ,waxaa sidoo kale ii suuragashay in aan ka mid noqday wariyayaal farakutiris ah oo la shaqeeya warbaahinta reer Galbeedka oo si waji ka waji ah u wareystay ama ula kulmay Hogaamiyayaal iyo Afhayeenno ururada Islamaamiyiinta Soomaaliya sida Alshabaab,Maxkamadihii hore ,Xisul Islaam,Raas-Kaambooni iyo Jabhatu Islaamiya xilliyo kala duwan.

Waxaan rumeysanahay in aan ahaa wariye dhexdhexaad ah ,waxana aan ka soo shaqeeyay oo aan howlo shaqo ka soo fuliyay inta badan gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ,Puntland iyo Soomaaliland ,ma jirto habayaraatee hal meel oo aan caqabad kala kulmay soo dhaweyn maahee.

Waxaan u mahadcelianayaa dhamaan Shaqaalihii BBC ee aan isla soo shaqeeyay iyo Tafatirayaashuba oo aan aaminsahay in aan tabi doono kaftankoodii iyo la shaqeyntoodii wanaagsaneyd haddii aay ahaan lahaayeen kuwa London,,Nairobi iyo kuwii aan Soomaaliya iskala shaqeynayay waqti hore iyo ilaa iyo hadda.

Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhageystayaasha BBC waxaan ka codsanayaa in ay iska keey cafiyaan haddii ay jirto cid aan u gafay ama iga maqlay wax uu si aad ah u dhibsaday ,aadmigu waa daciif ,war goor dhaw dhacay oo aadan goob joog u aheyn waa ay dhici kartaa adigoo ka waramaya in si aan ula kac aheyn aad qalad u sheegto marka laguu sheeko xumeeyo waliba adiga oo aad u dadaalaya .Eeboow hanoo qaban waxii aan halmaanay iyo waxii aan ku gefnay.

Inshallah ,saxaafadda kama dhex bixi doono , saaxiibada iyo taageerayaasheyduba waa wada xiriiri doonaa mar kasta.

Ugu danbeyn , Ma jirtaa warbxin aad iga dhageystay oo ku xiiso galisay ama aad necbeysatay intii aan BBC Soomaaliya uga waramayay , fadlan waxaan jeclaan lahaa inaad halkan igula wadaagto si furan hadii ay ahaan laheyd mid dhow iyo mid fogba?

Kheyr baan idiin dhaafay WSCW. Mohamed Moalimuu

COMMENTS
LINKS