Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhig Caawa Xukuumaddu Kula Kacday Suldaan Mawliid Sabayste. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhig Caawa Xukuumaddu Kula Kacday Suldaan Mawliid Sabayste.
September 17, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa:(Wajaalenews)- Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal,Sul.Xasan Sul Cabdilaahi,ayaa si adag uga hadlay Talaabdii ay Caawa Xukuumaddu Xabsiga u dhigtay Suldaan Mawliid Sabayste oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland.

Suldaan Xasan oo Wariye Mohamed Hassan Daacad oo ka tirsan Hawl-wadeenadda Shabakadda Oodweyne Khadka Telafanka kula hadlay ayaa sheegay in si anshaxa iyo Xushamadda Dadnimadda ka baxsan loola dhaqmay Salaadiintii Markii la qabanayay Suldaan Sabayste,iyada oo Ciidanka Dhinacyadda uga soo daateen Gurriga Salaadiinta Subeer Awal ee ku yaalla Magaaladda Hargaysa.

Mar aanu Suldaan Xasan Weydiinay waxa ay is-leeyihiin Xukuumaddu wey ka daba socotaa Suldaanka,ayaa sheegay inay Talaabaddani daaran tahay Shir Jaraa’idyo ay Salaadiintu,gaar ahaana Suldaan Mawliid Sabayste kaga hadlay Arrinta Hamaaha Kaydka Shidaalka ee Magaaladda Berbera.

COMMENTS
LINKS