Suldaan Ismaacil Suldaan C/raxmaan Oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diray Marxuum Xaaji Maxamuud Bile Oo Ku Geeriyooday Xaramka Barakaysan Ee Maka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Ismaacil Suldaan C/raxmaan Oo Tacsi Tiiraanyo Leh u Diray Marxuum Xaaji Maxamuud Bile Oo Ku Geeriyooday Xaramka Barakaysan Ee Maka.
September 19, 2015 - Written by Editor:

INAA  LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJUCUUN

MAKA(Wajaalenews) Suldaan Ismail Suldaan C/raxman oo kamida Salaadiinta Waawayn ee somaliland oo xiligan ku sugan masjidka barakaysan ee makah Al mukarama ayaa mar uu lasoo Xidhiidhay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews Wuxuu  tacsi u diray isaga oo  ku hadlaya magaciisa, kan Madaxdhaqameedka Somaliland Gaar ahaan Gobolada Gabiley,Hargeisa Ayaa  bulsho waynta soomaliland ka tacsi yadeeyay Geeridii ku timid Marxuum X.Maxamuud Bile Maxamed oo jimcihii shalay 18/09/2015 ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Makah waxaanu suldaanku isaga oo ka tiiraanyaysan geeridan ilaahay uga baryayaa Marxuumka in Naxariistii jano rabi ka waraabiyo qoyskii,qaraabadii iyo bulsho waynta somaliland ee uu ka baxay Marxuumku Samir Iyo Iimaan Kasiiyo

Waxa sidoo kale Tacsi Taa lamida diraya Cuqaasha Waxgaradka Gobolka Gabiley oo ay kamid yihiin,

cheif Caaqil Dayib Cabdi Ciidle,

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan

, Caaqil C/lahi Qalinle Fariid,

Caaqil Cabdi Cumar,

Oday Xaashi Cismaanl Dhoolaal,

Oday Cabdi Bayle Muxumed,

Caaqil Cabdi Xaruur,

Caaqil Muuse Ciise,

Caaqil Yuusuf aw Rabaax

COMMENTS
LINKS