Somaliya Oo Markii u Horaysay Ka Hadashay Aqoonsi Buuxa Oo Ay Siiso Somaliland Iyo Mawqifkeeda In Beesha Caalamku Ku Dhawaaqdo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliya Oo Markii u Horaysay Ka Hadashay Aqoonsi Buuxa Oo Ay Siiso Somaliland Iyo Mawqifkeeda In Beesha Caalamku Ku Dhawaaqdo.
September 9, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews) Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland siiso iyo sida ay u aragto in Beesha caalamku kaga horreyso oo ay ku dhawaaqdo inay aqoonsatay Somaliland oo dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray gaar uga taagnayd tan iyo 1991-kii markii ay burburtay dawladdii Millateriga ahayd ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre dagaal qadhaadh ka dib.

CALANKA-SOOMAALIYA-IYO-SOMALILAND-4-1-300x149

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland kula heshiin karaan caddaalad, isla markaana sheegay inay wada noqon karaan sida Switzerland, Zanzibar iyo Tanzania ama Isu-taga Imaaraadka Carabta.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA FEDERAALKA SOOMAALIYA HADLIYE

Wasiir Hadliye oo shalay Idaacada VOA su’aal ka weydiisay sida uu u arko in Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiin karaan, ayaa ku jawaabay, “Caddaalad. Sidoo kale, Mar la weydiiyey siduu u arko Aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka oo Soomaaliya aqbasho gooni-isu-taaggeeda, ayaa sheegay inuu isagu rumaysan yahay qofkii caddaalad rumaysan.

Su’aashaas-na waxa uu Wasiir Hadliye kaga jawaabay; “Anigu waxaan rumaysanahay qofkii caddaaladda rumaysan, qofkii rumaysan in Soomaaliyi sinnaato, qofkii rumaysan ka jaarkiisa ah ee Hargeysa ama Burco ama Boorama jaarkiisa ah inuu wanaag u rabo, ka Garoowe jooga, ka Caabud-waaq jooga iyo ka Xamar jooga waxa loo baahan yahay Caddaalad inaan isku nimaadno, inaan gacanta is-qabsanno, inaan waddankeenna u tabcanno, laguna heshiiyo sidii hore loogu wada mari lahaa.”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo shalay su’aal la xidhiidhay wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo rejada natiijo ka soo bixi karta, ayaa sheegay inay isla qaadan karaan xalal badan sida waddamada Switzerland, Zanzibar iyo Tanzania ama Isu-taga Imaaraadka Carabta, sida ay Boggeeda Shabakadda Twitter ee Internet-ka ay ku leedahay ku sheegtay Suxufiyadda Mary Harper oo BBC-da ka hawlgashaa.

COMMENTS
LINKS