Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay+ Xukumadda Oo Ka Muquuratay Soo Dhaweyntiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay+ Xukumadda Oo Ka Muquuratay Soo Dhaweyntiisa
September 2, 2015 - Written by Editor:

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa galinkii hore ee arbacada maanta ka soo degay gegida diyaaraddaha ee Cigaal International Airport, kadib markii uu ka soo kicitimay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

 

Hogaanka labada xisbi Mucaarad ee Somaliland, siyaasiyiin,aqoon yahan iyo qaybaha bulshada ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyay Mr Ismaaciil Hurre oo ku sinnaan labaataneeyo sanno ku hawlanaa fikirka ah Midaynta Somalia balse dhawaan sheegay inuu Somaliland madax banaanideeda ka shaqaynayo sidoo kalena jecel yahay wanaag kuwada noolaanshaha Soomaalida guud ahaan.

 

Ismaaciil Hurre Buubaa, oo saxaafadda kula hadlay Madaarka ayaa si kooban uga hadlay imaanshahiisa, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Hargeysa, islamarkaana uu socdaalkiisa gadaal ka faahfaahin doono.

 

“Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa dhalinyarada, dumarka , odayaasha  iyo dadka faraha badan ee halkan iigu yimid, saxaafaddana si gaar ah baan ugu mahadnaqayaa. Waynu wada hadli doonaa in badan laakiinse, waxaan maanta jeclahay inaan hadalkayga ku soo gaabiyo inaan aad ugu faraxsanahay imaanshahayga, waxyaabo fara badana waynu ka wada hadli doonaa. Waxaan rajaynaa in guul iyo wanaag u soo hoydo Somaliland, aniguna wixii kartidayda ah aan halkaasi ka gaysto,” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.

 

 

Xukumadda Siilaanyo ayaan ka qayb qaadan soo dhaweynta Ismaaciil Hurre Buubaa, balse taas badalkeeda Masuuliyiinta ugu saraysa Mucaaradka ayaa ka qayb qaatay soo dhaweyntiisa, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Musharaxa Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Waddani oo guddoomiye xigeenka koowaad Axmed Muumin Seed hogaaminayay.

COMMENTS
LINKS