|
|||||
WAJAALE NEWS
“Sidani Dawladnimo Maahee Waa Budhcadnimo; Maanta Ninka Dagaalka Ka Dhex Bilaabay Golaha Wakiiladda Ee Cirro Ku Qaad Qaaday Waa Baashe, .”. Jamaal Cali Xuseen
September 12, 2015 - Written by Editor:Hargaysa: (Wajaalenews)-Musharaxa Jagadda Madaxtinimadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, MD. Jamaal Cali Xuseen,ayaa ka hadlay dhacdadii Saaka ka dhacday Gollaha Wakiiladda,taas oo Muran ka dhashay Mooshin ay soo diyaariyeen Xildhibaanadda Muxaafadka ah ee Xisbiga KULMIYE sababtay in Dagaal gacan ka hadal ahi dhex-maro Gudoomiyaha Gollahaas iyo ku-Xigeenkiisa.
“Sidani Dawladnimo maahee waa Budhcadnimo; maanta Ninka Dagaalka ka dhex bilaabay Golaha Wakiiladda Ee Cirro ku Qaad qaaday waa Baashe, hadduu sidan xukuumadda Kulmiye ee Siilaanyo Iyo inta ku xeeran Ee boobka wadda ay sidan dhaami waydo shacabkaa madaxtooyadda Ugu soo daadan Ee taasi maskaxda ha galiyaan. Weligeen wax Kulmiye ka liita oo ka boob Badan Maan arag, Waar Imika ma Kulmiyihii xunbeyn jiray Ee UDUB ku haystay wax baad iibiseen ayaa loo taag laayahay. Haddii maanta ay Tani ka dhacayso Golahii wakiiladda, Siilaanyo Iyo inta ku xeerani ha ogaadaan inaan laydinka ogolaan doonin in sidaa doontaan ay socoto; hadda Siyaad Barre Iyo Qadaafiba waxa galaaftay madax adaygoodii iyo kibirkooddii”. Related posts:Socdaalada Madaxweyne Biixi Ee Gobolada Dalku Waxey Tusaale U Tahey In Lagaga Qiyaas Qaadan Karro Qo... “Dad Badan Ayaa Ku Dhinta, Kuwo Kale Waalagu Dhibaateeyaa, Wax Sharci Ah Oo Jsl Uga Yaala Cilaajyadu... Dadwaynaha Ku Dhaqan Xaafada Dab La Taagay Ee Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Dawla... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|