Qoddobo Sal u ah Nidaamka Maamulka Hantida Maguurtada Ah Iyo Wareejinta Qalabka [Haamaha] | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qoddobo Sal u ah Nidaamka Maamulka Hantida Maguurtada Ah Iyo Wareejinta Qalabka [Haamaha]
September 27, 2015 - Written by Editor:

Wareejinta Haamaha iyo Waxa Khaldan (Public Procurement Act) -W/Q: Maxamed Axmed Obolos, ACCA, CAT, BFA

Sawaxankii u dambeeyey ee dhex qaaday bulshada Somaliland ee ahaa in dawluddu ku wareejiso haamaha kaydka shidaalka ee berbera, Sida caamka ah hantida qaranka (bulshada wadaagta dalkan). Waxa ka masuul ah adeegsigooda, ku shaqayntooda, dayactirkooda, kobcinteeda iyo masuuliyaddaha kale ee ku aroora agabka iyo hantida ka dhexaysa bulsho waynta Somaliland waa Dawladda ee hadba markaa talada haysa loona igmada u adeegida qaranka iyo baahiyaadkiisa kala gaddisan, waxa u horeeya waajibadka shaqo ee dawladda looga fadhiyo, in la helo nidaamyadii shaqo ee la adeegsan lahaa si loo fuliyo hawlaha xafiisyada dawladdu ka koobantahay. Sida (Policy Manuals, Administration Manuals, Government Financial System, Public Procurement Strategies, etc) Hadaba anigoo qoraal kali ah aan kaga gayoonayn shuraacdaas waajibka ah in laga helo dawlad marka u horeysa ee lagu wareejiyo xafiisyada adeegga bulshada, waxan isku dayayaa inaan isku  inan iftiimiyo waxa sababay in maamulka dawluddu wareejiyo hanti ka dhaxaysa bulsho dhan oo nool iyo kuwa dhalan doona ee waddankan,

Waxa ka maqan shuruucda aynu ku shaqayno ee xafiisyada dawladda guud ahaan waxa la yidhaahdo Nidaamka Maamulka hantida qaranka ama Public Procurement Act’s. wuxu qeexaa oo ku sidkan sharcigaas

goorma iyo nidaam noocee ah ayaa loogu wareejin karaa hanti qaranku leeyahay Hay’ad Madaxbanaan ama gaar loo leeyahay oo jiritankeedu yahay shirkad fa’iido, ama dawlad kale oon ahayn ta dalka mamusha.

Sifehee aya loo marayaa miisaamidda iyo ogaanshaha loo qabo in dheefta ay bulshada hantidasi u leedahay kor ugu kacayso haddii shirkad madax banan lagu wareejiyo

Yaa ansixinaya ee hubinaya awoodda hanasho ee shirkad ama shakhsi lagu wareejinayo hanta qaran.

Tayada Shaqo ee fulinta adeegasi u baahanyahay side loogu ilaalinayaa shirkadas marka lagu wareejiyo hantida.

Sida loo ilaalinayo qiimaha adeegas laga iibinayo bulshada iyo inuu dan u yahay dhaqaalaha guud ee qaranka.

Nidaamka xisaabaadka shirkaddu ma waafaqayaa ka dawladda(Transparency, trust, Good Governance) si haddi baadhis loogu bahdo aan daah u fuulin. Ama musuqmaasuq uga hirgalin goob hanti qaran lagu shaqaynayo oo laga iibinayo shacabkii lahaa iyadoo ha;yad fa’iido doon ahi gacanta ku hayso

waxa su’ashu tahay dawladdu xaq ma u leedahay inay ku wareejiso hanta qaran ama adeeg qaran iyo shirkad madaxbanan loo wakiisho.

Jawaabtu waxay tahay marka koobaad ha la helo Public Procurement Act, bulshada halla baro nidaamka hantidooda loo maamulayo, Kadib Haa waana caam aduunka in hanta qaran ama adeeg qaran ay ka masuulyihiin shirkado gaar ahi,  Sababtu waxay tahay ujeedada dawlad u jirto ee loo samaysto ayaa ah u adeegista bulsho ama qaran leh baahiyaad aasasi ah oo nolosha u suuro galiya, waxyaabaha u horeeya ee dawladda u suuro galiya fulinta adeegyadaasna waxa ugu horeeya Hantida qaranku leeyahay ee mood iyo noolba leh iyo looga faa’iidaysto sida ugu habboon uguna tayada wanaagsan ee umaddu u dheefsan karto, haddii ay tahay qalab( tusale: HAAMAHA), hantida ma guurtada ah (Dhul).

Waxan kusoo gunaanadayaa talo ah si loo helo bulsho hor u mar hiigsata, intaa aan soo tibaaxay oo dhan waa nidaam asaasi ah oo dawladi ku hawl gasho eh Hoggaamintu haka daacad noqdaan u adeegista bulshada ay shaqalaha u yihiin shacabkana yaan loo tusin in shacabku u shaqeeyo dawladda.

Maxamed Axmed Ibraahim Obolos

ACCA, CAT, BFA

obolosmohamed@gmail.com

COMMENTS
LINKS