Qaraxii Kulmiye Oo Caawa Ka Bilaabmay Hotel Crown | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaraxii Kulmiye Oo Caawa Ka Bilaabmay Hotel Crown
September 26, 2015 - Written by Editor:

pica

Hargrysa,September 26,2015(W.N):-Shir ay isugu yimaadeen dad ka soo jeeda beesha Sacad Muuse oo isugu jiray ganacsato, aqoonyahan, culimaa’udiin iyo madax-dhaqameed oo lagaga arinsanayey doorashada madaxtinimada dalka ee soo socota ayaa intii aanu bilaabmin fiidkii caawa waxa weerar khalkhal galin ah ku soo qaaday koox dhalinyaro ah oo ka soo kacday guriga ganacsade Maxamad Awsiciid kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn goobti shirkaasi lagu qabanayey.

Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamad Biixi Yoonis oo iyaga iyo rag kale ku tartamayaan murashaxnimada xisbiga Kulmiye ee madaxtinamada dalka ayaa t labadooda todobaadba waxa midkood dhabarka soo taabta madaxweyne Siilaanyo ama afadiisa Aamina Waris taasoo uu midba mar ku jaahwareeriyo beesha ay labadooduba ka wada tirsanyihiin.

COMMENTS
LINKS