Nuxurka Warqaddii Madaxweyne Siilaanyo Ku Diiday Qaraarkii Wakiillada iyo Fadhi Goluhu Yeelan Lahaa Maanta Oo Baaqday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Warqaddii Madaxweyne Siilaanyo Ku Diiday Qaraarkii Wakiillada iyo Fadhi Goluhu Yeelan Lahaa Maanta Oo Baaqday
September 5, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Golaha wakiillada Somaliland, oo la filayay inuu maanta fadhi ka yeesho Mooshinkii goluhu ku laalay wareejinta kaydka haamaha shidaalka Berbera ee Madaxweyne Siilaanyo soo celiyay Arbacadii ayaan maanta yeelan wax fadhi ah.

Golaha oo laga rajaynayay inay arrintaasi dood xaasaasi ah ka yeeshaan ayaa markii mudaneyaashu soo fadhiisteen wuxuu guddoomiyuhu ku war galiyay in goluhu fasax noqdo, iyagoo sidaasna mudaneyaashu iskaga dareeray. Waxaa sidoo kale shaqaynayay guddiyada golaha.

Nuxurka Warqadda Madaxweyne Siilaanyo ku diiday Qaraarkii Golaha

Geesta kale madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku dooday inaanu weli dhammaystirmin heshiiskii ay xukuumadda Somaliland la galaysay shirkadaha shidaalka keena ee maamulka haamaha shidaalka Berbera lagu hoos gaynayay ee ay golaha wakiiladu go’aanka ka gaadheen.

Sidaas wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay qoraalka uu September 2. 2015  dib ugu celiyay golaha wakiilada go’aankii ay hore ugu laaleen wareejinta iyo kiraynta haamaha shidaalka Berbera. Warqada Madaxweyne Siilaanyo uu ku socodsiiyay shirguddoonka golaha wakiilada ayaa waxay u dhignayd sidan,

“Ku: Shirguddoonka golaha wakiilada JSL

Ujeedo: Soo celin go’aanka golaha wakiilada go’aan LR.GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay, qodobada 80aad iyo 90aad ee dastuurka Jamhuuriya Somaliland,

Markuu arkay go’aanka golaha wakiilada JSL soo saaray ee uu ku taariikhaysan 30/8/2015 sumadiisuna tahay GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015, ujeedadiisuna tahay go’aanka ansixinta laalista bixinta  haamaha kaydka shidaalka Berbera,

Markuu arkay qodobka 12aad, faqradiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaysa, “Xukuumadu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacan ku hayso, hanti-guurto ama ma-guurto ah, inay iibiso, iibsato, kiraysato, kirayso ku bedelato qiime u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

Markuu arkay in qodobada 38aad, 39aad iyo 54aad faqradiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee goluhu u cuskaday go’aankiisa aanay wax xidhiidh ah habayaraate la lahayn nuxurka go’aanka golaha.

Markuu arkay in wada hadalka dhex maray xukuumadda iyo ganacsatada reer Somaliland ee danaynaysa maalgashiga haamaha kaydka shidaalka Berbera aanu ahayn heshiis dhammaystirmay.

Wuxuu soo saaray; celinta go’aanka golaha wakiilada JSL ee sumadiisu tahay GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015, ujeedadiisuna tahay go’aanka ansixinta laalista bixinta haamaha kaydka shidaalka Berbera, islamarkaana dib ugu soo celiyo golaha wakiilada JSL.”

 

COMMENTS
LINKS