MujCali Guray, Oo Jawaab Culus Ka Bixiyey Haddal Ka Soo Yeedhay Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Muxuse Ugu Yeedhay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MujCali Guray, Oo Jawaab Culus Ka Bixiyey Haddal Ka Soo Yeedhay Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Muxuse Ugu Yeedhay?
September 14, 2015 - Written by Editor:

Qosol Ma u Banaan Yahay Afkuu Qariyo Mooyaane?

HARGAYSA(Wajaalenews) Guddoomiye ku-xigeenka 3 Aad  ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Mujaahid Cali Yusuf (Cali Guray) ayaa si adag ugu jawaabay haddal aflagaado qaan ahaa maanta ka soo yeedhay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha wakiilada somaliland  Baashe maxamed faarax.

cali guray iyo baashe

Hadaba Muj Cali Guray oo barta uu ku leeyahay barkulanka bulshada soo dhigay qoraalkooban  uu kaga jawaabayo Arinta baashe Wuxu Udhignaa Sidan;,

QOSOL MA U BANAAN YAHAY AFKUU QARIYO MOOYAANE?

Nin baa yidhi”waar maanigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?”. Hadii miyir qabku yahay wixii aynu wada arkaynay ee Gudoomoye xigeenku ka sameeyay ama ka sameeba la yidhi Fadhigii Golaha Wakiilada aniga ayaa waalan hadii kale isagaa waalan oo weliba ay waalidiisu tahay ta loo yaqaan WAALI-NACAS. Waxa lagu gartaa hadalkiisa ka madhan xikmadda oo waxa lagu sifeeyaa DHATAQLE yacnii hadalkiisa ayaa bilaa nuxur ah sida Baashe.

AHN eh Ibraahim Gadhle waxa laga hayaa:

MASKAXDAADU YAY NOQON MAQAL LAGULA LEEYAHAY

OO TOBAN MUFTAAX IYO MUSBAAR WALIBA UU FURO

Qofka haduu hadlo kaskiisa hadla ee carabkiisa iyo calooshiisu is leeyihiin iyo ka maskaxdiisa cid kale wax ku shubato een kaskiisaba hadal lakiin wixii dheh la yidhaana odhanaya wixii samee la yidhaana sameeynaya bal idinkuba qiyaasoo keeba waalan?

Nebi Muxamed NNKH eh wuxu inoo sheegay ” INNA LIKULI SHAYI’N AALAH WA AALATUL BASHAR AL CAQL” oo ah wax kastaa aalad buu leeyahay aaladda basharkuna waa caqliga. Hadaba caqligu wuxu ka mid yahay nimcooyinka Ilaahay inagu manaystay ee maalinta qiyaame uu ina waydiinayo ama inagala xisaabtamayo sida uu Quranka kariimka ah inoogu sheegay ” wa latusalunna yooma idin cani naciim”

COMMENTS
LINKS