Muj Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Yahay Musharax u Taagan Tartanka Madaxtinimo Ee Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Yahay Musharax u Taagan Tartanka Madaxtinimo Ee Somaliland.
September 22, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Muj Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo ah Hormuudkii iyo Hogaamiyayaashii sida nafhurka iyo daacadnimada leh uga qayb qaatay Halagankii dib u xoraynta Qaran ee SNM Hormoodka ka ahayd sidoo kale MUJ Maxamad Xasan C/laahi waa Saraakiishii Hormoodka  Ka ahayd Qaramayntii iyo Hubka dhigistii Ciidamadii S/N/M waxaana lagu xasuustaa kaalintii muga lahayd ee uu ka qaatay Yagleelkii Dawladanimada S/LAND isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii S/LAND soo maray MUJ Maxamad Xasan C/laahi oo ka mid ah saraakiisha dhawrsoon ee ku milmin Saaxada Siyaasada ayaa maalmihii ugu danbaysay Shirar doceedyo la yeeshay Xubno Waxgaradka iyo Aqoonyahanka ka soo jeeda Deegaanada Galbeedka Waqooyiga Gobolka Maroodi jeex,  Gabiley Iyo Awdal . ayaa mar ay Shabakada Wararka  Wajaalenews  Waxka waydiisay Hankiisa Siyaasadeed  noo xaqiijiyay in uu hankiisu yahay Madaxwayne iskana Sharaxayo Xisbiga Mucaaradka ee WADANI  dhawaana uu si wayn u shaacin doono, Ayuu yidhi Muj Jidhif.

jidhif

Si kastaba ha ahaatee waa markii u horaysay ee siyaasi Reer gabiley ah saamayna ku leh guud ahaan soomalliland uu badka soo dhigo in uu isku sharaxayo madaxtimada somaliland, taasi oo wax wayn ka badali doonta saaxada siyaasada.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS