Miyaynaan Soo Guurin?…. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Miyaynaan Soo Guurin?….
September 15, 2015 - Written by Editor:

Nin bilaa camala oo raganimo u dhashay ayuu ahaa, wuxuu is yidhi intaad cid martiyi lahayd qol iska kirayso. Qolkaas ayuu kaligii kunoolaa.

Albaabkiisuna handaraab malahayne habeen habeenada kamida ayuu tuug usoo galay ninkoo qolkiisa jiifa aanse gama’sanayn. Markii uu arkay inuu tuug yahay ayuu is idhi ma la dagaalantaa, hadana wuxuu is yidhi intiikhasaare idin soo kala gaadhi lahaa iska jiif wuxuu qaataaaba ma yaallaane isagaa iska noqone.

Qolka waxa u yaallaa waa cawda uu ku jiifo go’ uu huwan yahay faynuus uu naaqusay, shaadhkiisii iyo surwaalkiisii oo gidaarka sudhan. Wax kalaba ma yaallaan.

Tuugtuna kala xune kan usoo galay wuxuu ahaa tuug saqajaan oo ka tagi waayay xitaa surwaalkiisii iyo shaadhkii.

Qaaday oo la bax. Ninkii oo yaaban ayaa kacay oo go’ii uu huwanaa intuu guntada faynuuskiina soo qaatay ka daba baxay tuugii.

Tugii oo isna dhankiisa u yaaban ayaa iska sii socday ninkii wuu iska daba galay. Dhawr sakadood markay isdaba socdeen ayuu tugii istaagay oo uu ninkii uu sooxaday ku yidhi waar maxaa dhacay caawa dhan waad idaba socotaa adoo faynuusna laalaadsanayee.

Ninkii wax kale ma odhan ee wuxuu ugu jawaabay miyaynaan soo guurin?

Sheekadan waji oo idaacada kazoo jeedinaya ayaan bari hore ka dhagaystay.

COMMENTS
LINKS