|
|||||
WAJAALE NEWS
Maydadka Askartii Uganda ee Weerarkii Janaale lagu dilay oo la Geeyay Kampala.
September 3, 2015 - Written by Editor:Ugu yaraan 10 Askari oo ka mid ah ciidamadii AMISOM ee Uganda ka socday oo lagu dilay weerarkii maalin ka hor ay Al-shabaab ku qaadday Saldhigga AMISOM ee deegaanka Jannaale ayaa dib loogu celiyay Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda. Diyaarad kuwa Qaramada Midoobay ah ayaa maydadkan ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, iyadoo dib ugu celisay Kampala ee Xarunta Uganda, si loogu Aaso Dalkooda. Maydadkan maanta dib loogu celiyay Kamapla ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli aysan Taliska guud ee AMISOM ka hadlin khasaaraha Ciidamadooda Weerarkaas kasoo gaaray Weerarkii Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose oo 100-km Koonfur kaga beegan Muqdisho. Afhayeenka millateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda oo la hadlay BBC-da ayaa xusay in ciidamadooda ay kaga dhinteen Weerarkii Jannaale ka dhacay 12-Askari, isagoo beeniyay in looga dilay weerarkaas 50-askari, sida ay horay u sheegeen dublamaasiyiin reer galbeed ah oo Somalia ku sugan. Balse, Taliska AMISOM ayaa qirtay inay jiraan khasaarooyin kasoo gaaray ciidamadooda Weerarkaas, iyagoo sheegay in xerada laga qabsaday Ciidamadooda, Laakiinse ay dib ugu laabteen saacado kaddib, markii ay heleen gumad. Dhanka kale, Wararka soo baxaya ayaa Sheegaya in weli ay maqan yihiin Askar ka Tirsan ciidamadii lagu weeraray xeradaas, kuwaasoo aan la ogeyn meel ay jiraan, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in askar nool ay Al-shabaab ku qabsatay nolosha. Ugu dambeyn, Tirada Maydadka Askarta Ciidamada Uganda ee Maanta dib loogu Celiyay Kampala ayaa noqonaya tiradii ugu horreeyay oo intaan le’eg oo iyagoo mayd ah dib loogu celiyo Uganda, tan iyo markii ay Howl-gallada AMISOM Dalka Soomaaliya ka billaabeen sannadkii 2007-dii. – Related posts:Wasiirka Maaliyadda Oo Jawaab Adag ka Bixiyey Hadal Suldaanka Subeer Awal;" Siyaasadu, Siyaasad Wee... Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoys Iyo Shacabka Jabuuti Geerida Ku Timid Marxuum Almis Maxamuud X... Shacabka Magaalada Wajaale Oo Cabasho Ka Muujiyay Maamulka Degmada Iyo Qashin Buux Dhaafiyay + Baaqa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|