Maxaabiis Ka Baxsaday Saldhiga Laascaanood Iyo Hal Askari Oo Ku Geeriyoday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaabiis Ka Baxsaday Saldhiga Laascaanood Iyo Hal Askari Oo Ku Geeriyoday.
September 22, 2015 - Written by Editor:

Laascaanood(Wajaalenews) Xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka baxsaday maxabiis iyo ciidaankii ilaalada ahaa ee ku sugnaa xabsiga.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan warbaahinta magaalada Laacaanood iyo dadweynaha degan magaalada Laascaanood ayaa xaqiijiyey in maxaabiista baxsatay ay kor u dhaafiyeen tobaneeyo maxbuus, laakin waxaan la hubin tirada askarta raacday maxaabiista ee sii daayey.

laascaanood.

Badhasaabka Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide oo maaanta Qaar kamida warbaahinta kula hadalay Magalada Hargeysa ayaa ka hadlay Maxabiis Ka Baxsatay Xabsiga Magalada Lascanood waxa uu sheegay gudoomiyaha gobolka Sool inay fududeeyen baxsashada maxabiista cidamada ilaalada xabsigasi

” Ma Jirto Jabhad Hubaysan oo jeelka weerartay ,Majirto qabaa’il hubaysan oo jeelka soo weeraray lakin jeelaka inay maxaabistu ka baxasato markaan cadeeyo waxan filayaa inay anaga dhexdayada tahay ay cidanka asluubta dhexdooda ka timid mana jirto jabin jeelka la jabiyaay ama rasaas lagu weeraray “ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sool.

COMMENTS
LINKS