|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta G, Gabiley Oo Bilaabay Mashruuca Waji Ku Macaash Ee Xukuumadu Taageerada Ugu Raadinayso Wareejinta Haamaha Shidaal Iyo Warla,aanta Xaalada Dhabta ah Ee Bulshada.
September 17, 2015 - Written by Editor:GABILEY(Wajaalenews) Masuuliyiinta gobolka gabiley ayaa maalmihii udanbeeyay ku hawlan sidii guud ahaan gobolka gabiley looga taageeri lahaa in xukumadu wareejiso haamaha shidaal oo ay diideen golaha wakiilada madaxda sedexda xisbi qaran iyo guud ahaan bulshada reer somaliland Arinta taageerada loogu raadinayo sharcidarada xukuumadu ku wareejinayso haamaha shidaalka ayaa shalay laga bilaabay magaalada gabiley taasi oo sida wararka aanu gabiley ka helayno tibaaxeen in xukuumada dhexe kuso amartay in ay abaabuleen masuuliyiinta gabiley dadwayne taageera arinta wareejinta haamaha oo kuwii u horeeyay ay hadleen shalay sidoo kale wararka ayaa tibaaxay in dhaqaalaha dadkan hadlay lasiiyay iyo warbaahinta ay bixinayeen masuuliyiinta dawlada hoose ee gabiley oo ku kacday hanti aad u badan kadib markii ay diideen warbaaihnta qaar xukuumadu door bidaysay in warkan lagasii daayo kadibna markii danbe lasiiyay wixii ay dalbadeen aduun.
Arinta ayaa ah mid fadeexad ku ah dadwaynaha reer gabiley in dhaqaalahoodii lagu taageero baabiinta wadan iyadoo deeganada gabiley ay samaysay abaar xun baahida taalana ka muhiimsan tahay in layskaga dhiso aqalka madaxtooyada somaliland maamulka dawlada hoose ee gabiley ayay bulshadu rajo wayn qabtay in ay mar uun heleen cid si dhaba uga turjunta baahidooda balse aan door bidin rali galinta madaxtooyada Xoghaya dawlada hoose ayaa isagu kamid xubnihii caanka ku ahaa baabulka waji ku macaash ka halka Maayar Amiina uu isagu shookiga u qabtay.
WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Dekeda Berbera Oo Kaalinta 2aad ee ka Gashay Qiimeynta Carwo Caalami ah oo Ka dhacday Dalka Itoobia ... Dhibaatada Ay Beeralaydu Kala Kulanto Isticmaalka Sunta Beeraha!!Dabagal Saxafadeed: Wariye Cabdi Ci... DAAWO: Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada oo ka Hadlay Xuskii Maxamed X Ibrahin CIGAAL iyo Xusuusti... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|