Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Ka Tacsiyaydeeyay Marxuum Sheekh Axmed Nuur Odawaa Oo Maanta Hargaysa lagu Aasay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Ka Tacsiyaydeeyay Marxuum Sheekh Axmed Nuur Odawaa Oo Maanta Hargaysa lagu Aasay
September 11, 2015 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Dr. Cusmaan Sheekh Axmed Nuux, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Aabihii Marxuum Sheekh Axmed Nuur Odawaa oo maanta 11/09/2015 ku geeriyooday Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku, waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku tilmaamay oday taaariikh facweyn ku leh shacbiga iyo qarankaba kana soo shaqeeyey halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray isla markaana kaalin muuqata ka qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Axmed  Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS