Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Cayimay Maalinta Doorashadu Dalka ka dhici doonto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Cayimay Maalinta Doorashadu Dalka ka dhici doonto.
September 10, 2015 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3569/092015 ku cadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

 madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:                     Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

Markuu Arkay:                     Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay:                     Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay:           In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo xilliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray;

 Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

   Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

COMMENTS
LINKS