|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo oo Caawa Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Odayaal Taageersan Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
September 26, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Odayaasha beesha Sacad Muuse kuwaas oo taageersan musharaxnimada Madaxtinimo ee Maxamed Biixi Yoonis, waxaanay wararka soo baxayaa sheegayaan in madaxweyne siilaanyo ka aqbalay in si cadaalad ah oo aan qof na loo xidhin loogu tartami doono Xisbiga Kulmiye. SiilaIllaa hada Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Odayaasha la kulmay mid na kama uu hadal go’aanka ay isla qaateen, hase yeeshee kulanka oo dhawr jeer dib ugu dhacay dagaal culus oo uu ka galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisu darteed ayaa sababtay in uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo goor danbe qaabilo odayaasha. Ilo wareed xogogaal ah ayaa Waaheen u sheegay in koox uu Muuse Biixi soo abaabulay manta galinkii danbe ku weerartay odayaasha Sacad Muuse ee taageersan Muuse Biixi Hotel Crown halkaas oo uu gacan ka hadal ku dhex maray Xujaale oo taageersan Muuse Biixi iyo Bakayle oo taageersan Maxamed Biixi isla markaana qaban qaabinayey kulanka ay odayaashu ugu diyaar garoobayeen la kulanka Siilaanyo. Sidoo kale, wararka kale ee soo baxaya ayaa sheegaya in Muuse Biixi iyo labada Wasiir ee Wershadaha iyo Beeruhu mar kale koox taageersan ay galiyeen Madaxtooyadda si ay u khal khal galiyaan kulanka Odayaasha iyo Madaxweynaha, taasoo keentay in qaskii ugu balaadhnaa hadheeyo qasriga Madaxtooyadda, halkaas oo markii danbe Madaxweyne Siilaanyo ku qaabilay Odayaashii uu la balansanaa ee Sacad Muuse. Labada dhacdo ee kooxda Muuse Biixi abaabushay ayaa la sheegay in cadho weyn galisay Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, kaasoo isna markii danbe galay Madaxtooyadda isla markaana madaxweyne Siilaanyo u bandhigay dhacdooyinka ay sameeyeen kooxda Muuse Biixi, kuwaas oo keenay in Siilaanyo aakhirkii qaabilo odayaasha ka socday Maxamed Biixi Yoonis.
XIGASHO ;WAAHEEN Related posts:DAAWO;-Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka G. Gabiley Oo Hawgalo Ay Sameeyeen Kusoo Qab-qabtay Agabyo L... Shanta Qodob Ee Ay Ku Fadhido Siyaasadda Arrimaha Dibadda Itoobiya Oo Lagu Soo Bandhigay Buugga Dr. ... Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Dacwadda Haatuf Loo Raaco Xeerka Saxaafadda COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|