|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Yemen Mansour Hadi Oo Lix Bilood Kadib Ku Laabtay Magaalada Cadan.
September 22, 2015 - Written by Editor:Madaxweynaha dalka Yemen Abedrabbo Mansour Hadi ayaa dib ugu laabtay magaalada Cadan lix bilood kadib markii uu ka cararay dagaalo xoog leh oo ka dhacay dalkiisa. Hadi ayaa lixdii bilood ee la soo dhaafay musaafuris iskiis ah ugu noolaa boqortoyada Sacudi Carabiya iyadoo dagaalo xoog leh ay ka dhacayeen dalkiisa. Dib ugu laabashadiisa ayaa waxa ay calaamad ugu tahay in xoogaga taabacsan Hadi ee taageerada ka helaya isbahaysiga wadamada Khaliijka ah ay dhul ballaaran ka qabsanayaan xoogaga mucaaradka ee ay dowlada Iran taageerto. Hadi ayaa lagu wadaa in ciid ul Adxaha uu ku qaadan doono dalkiisa kadibna uu u duulid oono magaalada New York si uu ugaga qeybgalo shirka Qaramada Midoobay ee toddobaadka soo socda ka furmaya xarunta Qaramada Midoobay. Ra’iisal wasaaraha Yemen Khalid Bahah iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa ku soo dhoweeyay Cadan Madaxweyne Hadi iyadoo lagu wado in uu xukuumad cusub soo dhiso madaxweyne Hadi. Ishahaysiga taageerada siiya madaxweynaha Suniga ah ayaa geeyay ciidamo dhulka ah dalka Yemen iyagoo tababaro siiyay ciidamo faro badan waxana ay haatan doonayaan in ay dib u qabsadaan magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen taasoo ay sanad kahor la wareegeen xoogaga Xuutiyiinta. Kumanaan ruux ayaa ka qaxay dalka Yemen lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaana ka dhashay dagaalo xoog leh oo ka socday dalka Yemen lixdii bilood ee la soo dhaafay burbur xoog leh oo soo gaaray magaalooyinka waaweyn ee dalkaas. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|