|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Nigeria Oo Soo Bandhigay Hantidiisa Gaarka ah iyo Noocyada Ay Ka Kooban Tahay
September 4, 2015 - Written by Editor:Abuja(Wajaalenews) Madaxweynaha dalka Nigeria, Muhamadu Buhari, ayaa shaaciyay hantidiisa gaarka ah si uu uga takhaluso musuqmaasuq dalkiisa la sheegay inuu ragaadiyay. Hantidiisa waxaa ka mid ah xoolo iyo beero amma meelo wax soo saar leh iyo saamiyo shirkadeed. Afhayeenka Madaxweynaha Garba Shehu, ayaa sheegay in lacagta madaxweynaha ugu jirta akoownkiisa gaarka ah ay tahay boqol iyo konton kun oo dollar($150,000 (£100,000). Waxa uu sheegay in qadarkan lacageed muujinayso sida Mudane Buhari oo ahaa taliyihii hore ee Militariga iyo wasiirkii Badroolku ugu noolaa xaalad adag oo dhaqaale yaraan ah. Hantida Madaxweynaha Nigeria
Madaxweyne Mahamadu Buhari, waxaa ka hanti badan Madaxweyne xigeen Yemi Osinbajo, kaas oo Looyar iyo baadari ka ah Kiniisad kuwa Nigeria ugu weyn ka mid ah. Waxa uu afhayeenku sheegay in madaxweyne xigeenku haysto in ku dhaw hal milyan iyo badh doolar ($1.4m (£900,000) , Muhammadu Buhari oo ah mucaaradkii ugu horeeyay ee ku guulaystay madaxnimada Nigeria ayaa ololaha ku galay inuu soo bandhigi doono hantidiisa, islamarkaana siyaasiyiintu umadda u bandhigi doonaan dhaqaalaha ay haystaan, si loola dagaalamo musuqmaasuq siyaasiyiintu samayso.
Related posts:Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe Oo Si Adag U Dhaliilay Hab Dhaqanka Xukuumada Ee Wakhtiga... Daawo Muuqaalka: Qaad La,aanta Oo Sababtay Inay Hargaysa Rabshado ka dhacaan+Khasaaraha Ka Dhashay Gaadiid Qasaare Soo Gaadhsiiyey Wadada La Macmalay Ee U Dhaxaysa Kalabaydh Iyo Wajaale oo khilaaf ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|