|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada oo Lagu Xeeladaynayo Mooshin Ka Wareejinta Haamaha Berbera
September 11, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)- Fadhiga Golaha Wakiilada ee Sabtida (Beri), ayaa la filayaa in Mudaneyaal kala afkaar duwani miiska Shirgudoonka Golaha soo dhigaan mooshin iyo difaacid ka turjumaya awood ku muquuninta Xukuumadda ee damaca Haamaha Kaydka Shiidaalka iyo sidoo kale ilaalinta awoodaha, Sharafta iyo Karaamada Golaha. Mudaneyaasha u darban difaaca khalad iyo sax go’aamada iyo awaamiirta Madaxtooyada, ayaa dhankooda sheegay inay Sabtida Berri soo dhigi doonaan mooshin ay ku dalbanayaan in Golaha lagu soo celiyo qaraarkii Goluhu hore ugu laalay wareejinta haamaha Kaydka Shidaalka, isla markaana Goluhu uu mar kale cod u qaado Mashruuca wareejinta Haamaha. Arintaa waxaa Warbaahinta u cadeeyey u cadeeyey Md.Ibraahin Ruush iyo Md.Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) oo ka mid ah xubnaha u xusul-duubtay meel marinta muraadka Xukuumadda ee Haamaha Kaydka Shidaalka. “..Ma jiro mooshin ku wajahan Kursiga Cabdiraxmaan Cirro, laakiin arinta ku saabsan mooshinka haamaha Xildhibaanno fara badan oo qaba in markii hore lagu deg-degay go’aankii laalista Haamaha ayaa dhici karta inay Sabtida doodo ama mooshin arintaa ku saabsan Golaha keenaan..” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Waabeeyo. Sidoo kale, Xidhibaan Ibraahin Caraale Ruush oo qiil u dayey soo celintii Madaxweynaha ee go’aankii Goluhu ku laalay Wareejinta Haamaha waxa uu yidhi; “Ma aha in Sharci kasta murran la geliyo oo la yidhaahdo kani waa go’aan Gole kanina waa mashruuc Sharci. Oo Mashruuca Sharci miyaanu go’aamo isku tagayn ahayn?, maxay se ku kala duwan mashruuca sharci ee qodob qodob loogu codeeyey iyo go’aanka keligii goluhu ansixiyey?..” Geesta kale, Mudaneyaasha ku adag difaaca go’aankii hore ee Goluhu ku laalay wareejinta Haamaha, ayaa geestooda ku dhegan in aanay jirin awood sharci oo Madaxweynaha u fasaxaysa inuu Golaha kusoo celiyo qaraar kasoo baxay Golaha Wakiilada, iyagoo mawqifkooda difaacaya waxay tusaale u soo qaataan qaraar khiyaamo iyo dembi Qaran ka dhigayey Xidhiidho iyo kulamo lala yeesho Siyaasiyiinta Koonfurta, kasoo Golaha Wakiilada kasoo baxay Cahdigii Madaxweyne Cigaal, go’aankaasoo Marxuum Cigaal Saxeexay dhaqangalkiisa, una hogaansamay isagoo tixgelinaya Dastuurka iyo xilalka Sharci ee dalka u yaala. Sidaa darteed waxa Mudaneyaasha aragtidan qabaa ku doodaan in Madaxweyne Siilaanyo iyo la Taliyeyaashiisu ay iska indho-tirayaan awoodaha Sharci ee ay kala leeyihiin Sadexda Waaxood Dawladu ka kooban tahay, sidoo kalena ay meel kaga dhacayaan Sharaftii iyo karaamadii uu Dastuurku u damaanad qaaday Golaha Xeer-dejintu. Haddaba marka laga yimaado aragtiyahaa iyo doodahaa iska soo horjeeda waxa muuqday in dhowrkii maalmood uu dambeeyey Madaxtooyadu awoodihii lagu maamuusay ee Qaranka iyo dhaqaalihii umadda isugu gay sidii ay u kala jebin lahayd Xildhibaanada Aqalka Wakiilada, kadibna u meel marsan lahayd dhaqaale day-dayga iyo danaheeda u gaarka. Ololaha ama Kaambaynka Madaxtooyada ee arrintan oo wejiyo badan ka koobnaa, waxa ka mid ah tabaha iyo dhaqamada Madaxtooyadu rabtay inay kusoo tu’iso Xildhibaanada ka hor yimi muraadkooda gaar ahaaneed yabooh dhaqaale iyo balan-qaad mashaariiceed, sidoo kale Xildhibaanada ay u cuntami waayaan lacagta iyo mashaariicdu loo dirayey Ganacsato iyo Masuuliyiin xilal Wasiirnimo ka haya Xukuumada, halka qaarna loo diray inay aqbal ka keenaan Rag ay xidid yihiin oo hablo ka qaba Mudaneyaasha. Intaa kuma e’ka loollanka Madaxtooyada ee baacinta go’aankii Goluhu ku diiday wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, hase-ahaatee waxa sidii caadada u ahayd mooshinka maryo badane ee ku saabsan wareejinta Haamaha daf soo yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Md. Cali Xoor-xoor oo isagu maalmo yar ka hor kasoo laabtay dalka isu-taga imaaraadka Carabta, halkaasoo sida la sheegay uu u tegay arimo la xidhiidha heshiiskii Wareejinta Dekedda Berbera ee Shirkadda DP World, qorshaha heshiiskaas oo hindihiisa hore Xukuumaddu u tibaaxday. Hase-ahaatee sida xog-ogaalku xusay u fadhiyey Saxeexa Madaxweynaha Dawlada Faderaalka Soomaaliya, waxana Wararka amuurtan la xidhiidhaa intaa ku dareen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Maalmo ka hor qallinka ku duugay qabyo-tirka heshiiska wareejinta Dekedda Berbera ee Shirkadda DP World. Hase-yeeshee kadib markii Maareeye Cali Xoor-xoor dalka kusoo laabtay waxa uu durbadiiba uu hore ka bilaabay sidii uu Madaxtooyada uga caawin lahaa damaceeda dhaxal wareejinta Haamaha Shidaalka iyo soo xero-gelinta Xildhibaanada ay is af-garan waayeen Madaxtooyada, inkastoo xogaha Wargeyska Yool hayo yihiin in gebi ahaanba Xildhibaanada Xaafada yihiin ay meel adag ka taagan yihiin mashruuca Xukuumaddu ku rabto wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera. Dhinaca kale Wararku Wargeysku ka helay Xildhibaanada Xukuumadda u darban, ayaa xusaya in Madaxtooyadu lacago fara-xal ah oo aan sidaa u buurnayn qoondaysay Mudaneyaasha raba inay laalaan go’aankii hore ee Goluhu kasoo saaray Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera. Inkastoo sida Wararka sida qaarkood tibaaxeen ku dhawaad Shan Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaashii laga saxeexay Mooshinka wareejinta haamaha ay hadda u baxeen gudashada Waajibaadka Xajka, hadana Xildhibaanada gadh-wadeenka arintan ka ah is bidayaan inay aqlabiyada awoodda Golaha iyagu gacanta ku hayaan, wallow arimahaa ka sokow aanay meesha ka madhnayn tabo iyo xeelado hoose la isla gaadayo, kuwaasoo marka laga yimaado awoodaha dhaqaale iyo kuwo tiroba ah waxyaabaha labada dhinac aakhirka ku kala badin doonaan.
Xigasho- Wargeyska Yool
Related posts:War Deg Deg Ah: Abiy Ahmed iyo Farmaajo Goordhow U Amba-baxaya Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya DAAWO;-Waraysi La Layeeshay Wasiir Kuxigeenka W. Xanaanada Xoolaha Oo Socdaal Ku Joogta Dalka UK Iy... Agaasimaha G, Ee Wasaarada Warfaafinta Oo Albaabada Iskugu laabay Qaybtii Af Carabiga Ee Tvga Qarank... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|