Madal Casuumad Sharafeed Ah Oo Kulmisay Wajiyo Loolan Adagi ka Dhaxeeyo Iyo Dareenkii Labada Ilma Biixi +Weedhihii Wasiir Warancade.DAAWO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madal Casuumad Sharafeed Ah Oo Kulmisay Wajiyo Loolan Adagi ka Dhaxeeyo Iyo Dareenkii Labada Ilma Biixi +Weedhihii Wasiir Warancade.DAAWO
September 28, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Casuumad uu Sameeyey Ganacsade Ibraahim Cabdi Xuseen [Buurane] oo kulmisay wasiirrada Sacad Muuse Iyo Gudomiyaha xisbiga kulmiye+ wasiir Warancade

Hargeysa(Wajaalenews)-Kulan balaadhan oo qado-sharafeed ahaa oo lagu maamuusayey mahadnaq wasiirrada beesha Sacad Muuse kagajira xukuumadda Axamed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] kaalitii ay ka qaateen daminta shaqaaqadii lagu xallinayey wiil-yar oo dhawaan lagu dhex dilay saldhiga koodbuur ee magaalada Hargeysa kaas oo ay ninkale oo Askari ahaa xabadi kaga dhacday,xafladda kulankan oo casuumaddeeda uu  lahaa Ganacsade Ibraahim Cabdi Xuseen [Buurane] isla markaana uu isagu soo abaabulay ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.

labada dhinac 2 sawirkii qadada maanta sawirka labada dhinac

xafladdan qado sharafeedda ahayd isla markaana  nuxurkeedu ahaa mahad celinta wasiirrada Sacad Muuse iyo wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cade sidii qiimaha lahayd ee ay kaalintooda kaga aadanayd uga qaateen damintii mushkiladdaasi waxaa ka soo qaybgalay wasiirada Beesha Sacad Muuse kaga jira xukuumadda sida-

1-Maxamed Biixi Yoonis wasiirka arrimaha dibadda

2-Marwo Samsam Cabdi Aadan wasiirka Maaliyadda

3- Shucayb Maxamed MuuseWasiirka  Warshadaha

4- Maxamed  Aw Daahir  Wasiirka Beeraha

5- Axmed Cadarre   Wasiir ku xigeenka Arrimah Gudaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Ganacsade Ibraahim Cabdi Xuseen [Buurane] Madaxdhameed,xildhibaano  iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan beesha Axmed Cabdalla oo Ganacsadaha Casuumadda qabtay uu ka soo jeedo.

furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Jiif Caaqil Aadan Cabdillaahi Cali oo ku hadlayey guud ahaan afka beesha Casuumada samaysay waxaaanu Caaqilku u mahadceliyey guud ahaan xukuumadda si gaar ahna wasiirrada Sacad Muuse sida xushmada leh kuna xusan hawsha aan soo sheegnay kaalintii ay ku lahaayeen daminteeda “Dawladda waxaa ugaga mahad celinayaa geeridii wiilkii yaraa ee dhintay jawaabtii ay kaga falcelisay” ayuu yidhi Jiif Caaqil Aadan Cabdillaahi Cali.

sse2 sse1 sse

 

Isaga oo arrimahaa ka soo hadlayana waxaa hadalladiisii kamid ahaa “waxaa kale oo aan iyagana u mahad naqayaa wasiirrada Beesha Sacad Muuse ee madasha fadhiya sidii qiimaha badnayd ee xukuumadda u fahamsiiiyeen hawshaa qudheeda” ayuu yidhi Caaqil Aadan, waxaa uu intaa ku sii daray “wasiirrada Sacad Muuse oo aad mooddo inay wax u diyaaryihiin oo sida ay u shaqaynayaan aanan waligay hadda kahor ku arag mahad gaara ayaan markale u celinayaa”

Caaqil Aadan oo wali hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay Cali Warancade Wasiirka arrimaha guduhu inuu yahay nin aan qabiilka haddii lagu sheego aan cuqdad kaqabin “waxaan isagana halkan uga mahadcelinayaa Cali Waran-cade oo ah wasiirka arrimaha gudaha oo ah nin aan arrimaha qaliilka haddii lagu sheego aan cuqdad-kaqabin sidii qiimaha lahayd ee uu hawshii geerida ahayd noogala qaybqaatay maydkiina isagu – u aastay” ayuu yidhi Caaqilka ku hadlayey guud ahaan afka beesha Sacad Muuse Caaqil Aadan Cabdillaahi Cali.

waxaa isaguna madasha ka hadlay Ganacsade Ibraahim Cabdi Xuseen [Buurane] oo ahaa masuulka hawshan oo dhan isku soo dubbariday kharashkii casuumaddaasina jeebaddiisa ka bixinayey waxaanu si kooban uga warrmaay ujeedada uu ka lahaa casuumaddani oo ay dadkii ka soo qaybgalay gaadhayeen ilaa 45 xubnood oo ka kala socday qaybaha bulshadu ka koobantahay sida siyaasadda,dhaqanka dhalinyarada iyo dumarka.

Mr Buurane waxa uu sheegay markuu dib u milicsaday bilawgii hore ee hawshaasi dhacday sidii ay arrimuhu u cakirraayeen iyo markii dambe sidii fududayd ee uu Ilaahay u sakhiray inay mudantahay cidkasta oo ka qaybqaadatay sidii loo damiyey culayskii ay arrintaas lahayd in sidan oo kale goob ilyartu is qabatay loogu mahadceliyo isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxaa uu yidhi “Jiifaaqilka hadlay iyo mudanta kale ee madasha fadhidaba waan salaamayaa”

sawirka labada dhinac 1 madashii maanta 4

isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Kulankan horta waxaa qabatay beesha Axmed Cabdalla oo aanu garannay marka hore uga hamad celinaynu wasiirrada Sacad Muuse,Xisbiga  kulmiye iyo xukuumadda wasiirka arrimaha guduhu innagala joogo waanay mahadsantihiin inaad naga soo ajiibteen yeedhamadii aannu idiinku yeedhnay” ayuu yidhi Mr Buurane.

Ganacsade Buurane waxa uu sidoo kale mahadnaq taa lamida u hanneeyey xukuumadda Somaliland oo dhan iyo cidkastaba oo kaalintii kaga aadanayd ka qaadatay sidii wanaagsanayd ee ay beesha Axmed Cabdalle  u maareeyeen arrintii kurugada lahayd bilawgii hore balse gadaal si quruxbadan ku dhamaatay “waxaa kale oo aan xukuumadda ugaga mahadcelinayaa  sidii wanaagsanayd ee ay noogala

Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran -Cade oo isaguna ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey qado-sharafeedan iyo mahadcelinta ay beesha Sacad Muuse ku qaabileen xukuukadda uu ka midka yahay “marka hore aniga oo kawakiil ah wasiirrada Sacad Muuse waxaannu idinka gudoonnay qadadan qiimaha badan ee aad nagu maamuusteen waayo dadka way-yartay inta xattaa haddii wax loo qabto gartaan inay ka abaal celiyaan” ayuu yidhi Mr Warancade.

Mr Waran-cade waxa uu Beesha Sacad Muuse ku aammaanay garashada ay markahoraba soo garteen inay ka mahad celiyaan sidii loogala shaqeeyey damintii dhacdadii colaadda reebi lahayd haddii sidii looga shaqeeyey aan looga shaqayn lahayn “marka horaba inaad garateen inaad ka mahad celisaan ayaa qudheedu gobanimo ah waayo dee  waanad u dhalteen oo gurigeedii baad fadhidaan ” ayuu yidhi Mr Waran-cade isag oo dhoollo cadaynaye

Waran-cade waxa uu sheegay gobanimadii ay muujiyeen beesha Sacad Muuse inay xattaa dabar u noqotay qadiayd kale oo markaa taagnayd oo ahayd wiilyar oo aan qaan qaadhin oo sidan oo kale isagana la dilay taas oo lahayd aragti qallafsan balse markii dambe ay xalkeeda sabab u noqotay ficilkii wanaagsanaa ee ay beesha Sacad Muuse sameeyeen “sidaad ogtihiin waxaa markaa iyana taagnayd arrinkale oo taa ka horeysay arin qas iyo wareerbadani ka taagnaa oo ahayd wiilyar oo dhawr iyo tobanjira oo aan dadiiba gaadhin baa dhintay markaa iyada oo ay tii jirto ayey tanina dhacday markaa waxay arrintani dabar u noqotay arrintii ka horeysay ee markaa taagnayd” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran-cade.Gaba-gabadii xafladdaasi waxaa ka hadlay Suldaan Boos waxaanu sheegay inuu dhinaca Itoobiya uga yimid xalinta arrintan darteed balse uu nasiib wanaagg la kulmay dad wanaasgan oo sidii ku haboonayd u xaliyey dhibkii dhacay “anigu waxaan ka imid oo arrintan darteed aan uga soo tallaabay xadka itoobiya xalinta arrintan waxaanan ku farxsanahay in sidii ku haboonayd looga qaybqaatay xukuumadana waan ku amaanayaa kaalintii ay ku lahayd qaboojinta arrintaasi” ayuu yidhi Suldaan Axmed Boos.

Xidhitaankii xafladdaasi waxaaa soo afjaray Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye waxaanu soo dhaweeyey isaga oo ku hadlayey afka Saldanada iyo dhaqanka meesha uu ka dhashay ee casuumaddan ku qaabishay xukuumadda gaar ahaan wasiirradii beesha Sacad Muuse u matalayey sidii ku haboonayd inay u galeen xalintii arrintaasi “wixii siyaasad ah dadkeedii-baa fadhiya oo aan u daynaya balse anigu ka Suldaan ahaan waxaan ku ekaanayaa arrimaha ducada dhaqanka oo kaliya” ayuu yidhi Suldaanka guud ee Subeer-awal.

“waxaa la yidhi waxaajir-jiray nin caammo ah oo aan quraanka waxbadan ka aqoonin markaasaa lagu yidhi hebow horta adigu qur’aanka intee legg baad ka taqaannaa markaasuu yidhi waarninyohaw aniga horta qur’aanka ma aqaanno balse haddii laga tagi waayo waxaan ka aqaannaa oo kaliya “WALAA TAFARRAQUU” oo hacnaheedu yahay hakalatagina ee wada jooga markaa wasiirrada Sacad Muuse waxaan ku ammaanayaa wadajirkii iyo muwaafaqadii ay ka muujiyeen qadiayddii nasoo martay” ayuu yidhi Maxamed Axmed Suldaan Cadbdiraxmaan

COMMENTS
LINKS