|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamulka Jubbaland oo Dil Toogasho ku Fuliyay Askar katirsanaa ciidankooda laguna Eedeeyay Dilka laba Qof oo Rayid ahaa
September 18, 2015 - Written by Editor:Maamulka Jubbaland ayaa Maanta Toddoba Askari oo ka Tirsan Ciidamada Booliiska Maamulkaas ku Fuliyay Dil Toogasho, kaddib markii ay ku Caddaatay inay dulleedka Magaalada Kismaayo shalay ku dileen laba Ruux oo rayid ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Maamulka Jubbaland, Bashiir Nuur Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunka toogashada ah ee Toddobadan Askari lagu Fuliyay Maanta, isagoo sheegay inay qirteen inay dileen laba qof oo rayid ah. “Askartan Waxay si Cad u Qirteen inay Dulleedka Magaaladan Kismaayo Shalay ku dileen laba Qof oo rayid ah, sidaa awgeed Maxkamaddu Waxay ku Xukuntay Dil toogasho,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland. Sidoo kale, Bashiir Nuur ayaa xusay in cid walba oo lagu helo inay disho qof shacab ah ay Mudan doonto Xukunkan oo kale, iyadoo Toddobada Askari isla maanta lagu fuliyay dilka Toogashada ah ee lagu Xukumay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland wax faahfaahin ah kama bixin sababta Askartan ay u dileen labada qof ee la sheegay inay shacabka ahaayeen, taasoo ahayd midii sababtay in lagu xukumo dil toogasho; laguna fuliyo isla maanta oo Jimco ah. Toogashadan Askari ayaa ka dhacday Xeebta Caga-dhiig ee Magaalada Kismaayo, iyadoo ay Toogteen Ciidamo ka Tirsan kuwa Jubbaland, iyadoo Goobta Toogashadu ka dhacaysay ay ku sugnaayeen Qaar ka mid ah Saraakiisha sare ee Maamulka Jubbaland. Dhanka kale, Maxakamdda Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxay saddex Askari oo kale oo ka tirsan Maamulka Jubbaland ku riday midkiiba saddex sano oo xabsi ah, kuwaas oo la sheegay inay dambiyo galeen. Inkastoo aan dambiga ay galeen la sheegin. Ugu dambeyn, Waa markii ugu Horreysay oo Maamulka Jubbaland uu mar Qura ku Fuliyo xukun toogasho oo dil ah toddoba ka mid ah ciidamadiisa, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli Qaraxyo is-xigay ay Al-shabaab ka geysatay Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|