Jarmalka Oo Adkayna Xuduudihiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jarmalka Oo Adkayna Xuduudihiisa
September 14, 2015 - Written by Wariye:

jarmalka(3).jpgJarmal(Wajaalenews):-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmalka Thomas de Maiziere ayaa sheegay in ujeedada ay tallaabadan u qaadeen ay tahay inay ku joojiyaan qulqulka qaxootiga imanay dalka Jarmalka.

Jarmalka ayaa sheegay inay si kumeel gaadh ah u soo celin doonaan hubinka Baasaboorada ee xuduudaha ay la leedahay dalka ay ka wada tirsan yihiin Midawga Yurub ee Austria si ay u xakamayso qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta dalkeeda soo gelaya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmalka Thomas de Maiziere ayaa sheegay in ujeedada ay tallaabadan u qaadeen ay tahay inay ku joojiyaan qulqulka qaxootiga imanay dalka Jarmalka.

Booliska dalka Jaramlak ayaa sheegay in maalinimadii sabtida ay soo gaadheen magaalada dhinaca koonfureed ee dalka Jarmalka ku taalla ee Munich qaxooti magangelyo doon ah oo gaadhaya illaa 12,200 oo qof.

Tallaabo kale oo lagu xakamaynayo qaxootiga soo gelaya dalka Jarmalka
ayaa ahayd in la joojiyey khadkii tareenka ee ka imanayey dhina dalka Austria ee imanaye Jarmalka hase ahaatee weli ma cadda in la joojiyey Tareenada ka baxa dalka Jarmalka ee aada Austria.

in ka badan 430,000 oo muhaajiriin ah ayaa sannadkan ka soo gudbay biyaha badda Mediterranean iyaga oo soo gaadhay qaaradda Yurub. Ku dhowaad 3,000 oo qof ayaase iyagu ku dhintay badda sida laga soo xigtay hay’adda IOM.

Source : Voa.
Wajaalenews.net
Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS