Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Lacagta Sanadkii Kasoo Xaroota Haamaha Shidaalka,Halka Ay Marto,Shirkaddaha Haatan Doonaya Iyo Farriin Uu Dhalinta Dalka U Diray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Lacagta Sanadkii Kasoo Xaroota Haamaha Shidaalka,Halka Ay Marto,Shirkaddaha Haatan Doonaya Iyo Farriin Uu Dhalinta Dalka U Diray
September 11, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa:(Wajaalenews)-Sida ay gudiddii Baarlamaanka ee Haamaha siyaartay ay Soo xaqiijiyeen Iyo weliba qiyaasta cadadka shidaalka soo Mara Haamaha, storage fee ama dakhliga ka soo baxaa waa US$25 million sanadkii. Lacagtaasi kuma jirto cadadka canshuurta ama sales tax ay Maaliyaddu toos u qaadato. Haddii Haamaha la wareejo taasi micnaheedu waa lacagtaasi US$ 25 million ee ay ummaddu wada Lahayd ee Haamaha sanadkii ka soo baxa waxa toos u qaadanaya OO la wareegaya shirakado gaar loo leeyahay oo ay madaxtooyadu malaayiin doolar ka sii qaadatay intaanay xukunka wareejin, Oo ay Weliba shirakadaha qaarkood ay madaxtooyadu wax ku leedahay.

Haddaba saddex kooxood baa ka faa’iidaya arrintani;

  1. Kooxda madaxtooyadda Iyo xulufadeedda;
  2. Shirakadaha iibsanaya Ee sanad gudaheed ay lacagtoodii u soo noqonayso Ee indho adkaanta ku doonaya hantidii Qaranka Oo hadhow ay iyaga uun uu dalka shidaalkiisa doonaya inuu u xidhnaado.
  3. Xildhibaanadda qurbaan Iyo mooshin cunayaasha ah Ee taageersan arrinkan, Iyo kuwa waji ku macaashka ah ee inta yari kaga soo duulayso.

 

Haddaba shacabkii loo heshiiyey maye? Ilaahaybaa ina lehe miyeeynu eegan karaynaa? Ogow hadday Tani suurto gashana, iga Walee ta soo socotaana ka sii daran; hadaanay dalkaba iibin. Maanta qudbaddii Jimcaha ayaa amaanadda laga hadlay Iyo masuulka xoolahii Ummadda haya. Bal adiguba is weydiiyoo maxaa ku dhacay ee ay kooxda Kulmiye Hore ugu wareejin weyday 5 tii Sanno ee ay haamaha maamulayeen. Kolay caqligaaga saliimka ahi wuu garan karaa in ay sanad walba $25 million Oo doolar ay sanad walba ka heli jireen, Oo weliba ay iyagu toos u leexsanayeen iyadoo shacabkii Loogu sameyn lahaa caafimaad Iyo biyo. Laakiin Imika wey tegayaanoo waa iib oo malaayiin doolar oo faro Laab ahna wey sii qaadanayaan. Kolay haddii aynu aragno in arrinkan la sii wado oo xildhibaanadiina la laaluusho, shacabku ha diyaar garoobeen in aynu difaacno, maadaama aynaan ogolaan karin in horteena lagu boobo hantidii qarankani lahaa Ee inaga wada dhaxaysay. Haddaynaan maanta hor joogsan arrinkan oo aynaan dhalinyarooy sidii Siyaad Barre uga hor tegin maanta, meel fog baynu ka dooni. Qof walowba xil baa ku saaran ee xaqdaro ha gargaarin.

Daawanaayow waa Dalkaagii.

COMMENTS
LINKS