Imaaraadka Carabta Oo Ogolaatay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Imaaraadka Carabta Oo Ogolaatay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland
September 2, 2015 - Written by Editor:

Imaaraadka Carabta Oo Ogolaatay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa xaqiijiyay in Dowladda Imaraadka Cararbtu ay ogolaatay in Baasaaboorka Somaliland lagu geli karo dalkaasi.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay wasiirku bogga uu ku leeyahay Face Book-ga ayuu ku yidhi sidan.

”  Isutaga Imaraadka Carabtu waxa ay aqbaleen in muwaadiniinta Somaliland ay  Baasaaboorkooda ugu safrikaraan Imaraadka Carabta”  Maxamed Biixi

maxamed biixi

dhawaan ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu magacaabay Wakiilka cusub ee Imaraadka Carabta.

COMMENTS
LINKS