Halkan ka Akhri.Weedha Cali Guray Ee Wareejinta Haamaha ‘Shimaa La Arkayaa Waa Su’aal Sharad Ka Yaalaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan ka Akhri.Weedha Cali Guray Ee Wareejinta Haamaha ‘Shimaa La Arkayaa Waa Su’aal Sharad Ka Yaalaa!
September 20, 2015 - Written by Editor:

Laba masuul oo xukuumadda ka tirsan kana soo jeeda Gobolka Saaxii ayaa cadeeyay oo la yidhi idinku cadeeya oo u cadeeya shacbiga Somaliland gaar ahaan Reer Saaxil in Haamihii Kaydka Shidaalka la wareejiyay oo lagu wareejiyay cid la doonayay oo aan ahayn sharkad dalka ka jirtay oo laga yaabo inay tahay Maryo alool ka kooban shakhsiyaad ka mudan muwaadiniinta kale oo dhan hadii aanay cidda wareejisay iyo cidda lagu wareejiyayba aanay isku mid ahayn oonay sheekadu ahayn waa halkii AHN eh Xasan Sheekh Cismaan eh DUSHA KA SUMUNI HOOSTA KA SEDEX GAMBO. Wareejinta haamaha wax tartan ah looma gelin si cad oo furanna wax uma dhicin balse waxay waafaqsan tahay xeerka keliya ee maanta dalka Somaliland ka shaqeeya oo cidda wax baan wareejiyay lihi ay ixtiraamto kaas oo sida aynu uga baranay ah” WAXAN DOONAA WAA SHARCI XATAA HADII UU SHARCI DARRO YAHAY, WAXAAN DIIDAA WAA SHARCI DARRO XATAA HADII UU SHARCI YAHAY, markaa cid loo joojinayaa ma jirto xaalku wuxu marayaa ” WAXAN ANIGU DOONAA WUU DOONAN YAHAY WAXAN ANIGU DIIDAANA WUU DIIDAN YAHAY” hadii Alleh yidhaa ma leh laakiin tii Allaa maqan tiisa mooyee tu kalena noqon mayso. Somaliland halkaasay maraysaa dar Alaanay u gudhay nin jecel iyo nin necebba:

Sida Ilaahay looga bartay dulmiga ayaa suuli xaquna wuu iman ee ha la sugo MAR UUN BUU DAF SOO ODHAN NABSIGII DIINKU SOO SIDAYE.

AHN eh Cabdi Iidaan Faarax waxa laga hayaa SHAN SOOMAALIYEEDOO MID AH OO CALAN KU SHEEKAYSTA

SHIMAA LA ARKAYAA WAA SUA’AAL SHARAD KA YAALAA. Aniguna waxan ku darayaa Somaliland oo qaran jira ah oo caalamku aqoonsan yahay SHIMAA LA ARKAYAA WAA SUA’AAL SHARAD KA YAALAA.

Ugu dambaystii waxa ogaataan tan iyo lixdankii markii ay Somaliland madaxbanaanideeda qaadatay waxa haatan laga joogaa 55 sanadood. Hantida dadwaynaha ee ka baxday gacanta dadwaynaha shantii sanadood ee Madaxwayne Silanyo uu xilka hayay ayaa ka badan inta ka baxday 50 sanadood oo lix madaxwayne isaga dambaysay min AHN eh Aadan Cadde ilaa Daahir Rayaale Kaahin. Waa konton sanadood iyo shan sanadood! Sidaa ayaa mar kale loo ham iyo dig leeyahay hadii doorashoba qabsoonto in Kulmiye shan kale oo maxlal ah Somaliland sii xukumo.

COMMENTS
LINKS