“Guriga Salaadinta Subeer Awal Ee ay Ciidanku Werareen, Wa Gurigii Wakhtigii Dorashada Axmed Silaanyo Looga Codeeyey ” Siyaasi Axmed Like” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Guriga Salaadinta Subeer Awal Ee ay Ciidanku Werareen, Wa Gurigii Wakhtigii Dorashada Axmed Silaanyo Looga Codeeyey ” Siyaasi Axmed Like”
September 29, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa,(Wajaalenews)  – Siyaasi Axmed Xasan Cali Xirsi (Axmed like) oo ka mid ah siyaasiyinta xisbiga wadani ayaa baaq uu u direy madaxweyne Axmed Silaanyo iyo xukumadiisa isagu sheegay in uu haysto salaadinta subeer awal ee ku xidhan xabsiga weyne ee magalada Hargeysa,

like iyo suldaan mawliid

sido kalena farrin u direy shacabka gobolka Saaxil in ay ilaalashadan midnimadoda iyo hantida guud ee qaranka islamarkana heegan ka galaan si aan loo boobin hantida ay leeyihiin.

Siyaasi Axmed Like oo maanta warabahintu wax ka waydisay xadhiga salaadiinta subeer awal ayuu ku tilmaamay mid sharci darro ah islamarkaana sharci darada uu ku xidhay salaadiinta  kuna haysto, waxana hadaladisa ka mid ahaa “Sidaan loo xidhay Salaadinta oo wali xabsiga ku jira iyadu sifaha loo maray xadhigoodu waa sifo xaraan ah oo sharciga ka soo hor jeeda, waxa kale oo sharci darro ah ciidanka gelitaankoda guriga salaadiinta.

Malaha Axmed Silaanyo wuu iloobay guriganee waa gurigii marka uu doorashaada doonayey gelinka hore iyo kadambaba uu soo maari jirey, waxanan leeyahay madaxweynaha hayso salaadinta oo ha kuu xidhnaadaan.”

Mar su,aal laga waydiyee sida u arko safarka madaxweyne Axmed Siilaanyo oo horanti toddobaadkan safar dalka dibadiisa uu u ambabaxay isagoo boqasho ku tegaya dalka Ireland sina mari donan magalada Dubai ayuu ku tilmaamay ujeedada safaarkani in uu yahay dhamaystirka heshiska wareejinta madaarka berbera oo lagu wareejinayo shirkad gaar loo leeyahay, waxana uu yidhi “Waa dilaalistii u dambeysey weyaan oo dilaalkii lagu soo qadayaa heshis lala galayo shirkad gaar ah oo lagu wareejin doono madaarka Berbera, sababtaas ayay isku raceen madaxweynaha iyo marwadiisa iyo wasiirkiisuba.

“Waxa magalada Berbera galay dee dhulkii Hargeysa ayaa dhamaday oo meel la ibiiyo baan jirin ba, marka maglada Badhan ba qaylineysay maalin dhowayd oo lahayd naga soo gadhay aqaladii 3da maqsiin baa la ibinayaa. Markaa waa maalinba meel,Burcaa ku xigaysa hadii Allah ka dhigo waana wajigii labaad oo magaalada berbera laga bilaabo oo wa free zone-kii, oo wa shaamiitaadi, biyihii, iskaraabkii iyo dekadiiba.

 

Waxa aan usoo jeedinayaa shacbiga reer Berbera in ay ilaashadan wada jirkooda, midnimadooda iyo ilaalinta hantidooda ay reer Somaliland wada leeyihiin.”

COMMENTS
LINKS