Guddoomiye Cirro oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran oo Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuum Ganacsade Aadan Warsame Nuur | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Cirro oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran oo Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuum Ganacsade Aadan Warsame Nuur
September 4, 2015 - Written by Editor:

Alle ha u naxariistee, waxaa maanta aas qaran xabaalaha Naasa-Hablood ee Hargeysa loogu sameeyey Ganacsade Aadan Warsame Nuur oo ahaa ganacsade ka caan ah aadna laga yaqaanay guud ahaan geyiga Soomaalidu ay degto kuna geeriyooday magaalada Hargeysa.

11986074_10207396788228608_1708178541_o

Waxaana aaska Marxuumka ka soo qeyb-galay guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), siyaasiyiin, xildhibaano, madax-dhaqameed, waxgarad, aqoonyahan, ganacsato iyo bulsho kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo qaar ka mid ah warbaahinta halkaas kula hadlay, ayaa ugu horeyn tacsi u diray dhammaanba bulshada Somaliland, gaar ahaana ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana uu Illaahay uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardawsa sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo dhammaanba shacabka Somaliland ee uu ka baxay.

Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu Marxuumka ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi ku caan ah taakulaynta dadka danyarta ah sida oo kalena ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan isla mar ahaantaana ay ka nabad hesho ummada Islaamka ahi.

11986074_10207396788228608_1708178541_o

Siyaasiyiin, xildhibaano, Ganacsato, waxgarad iyo madax-dhaqameed iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba tacsi u diray ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana ay Illaahay uga baryeen in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardawsana ka waraabiyo sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo dhammaanba shacabka Somaliland ee uu ka baxay.

COMMENTS
LINKS