Golaha Wakiillada Oo Fasax Galay iyo Guurtida Oo Dhexdhexaadinaysa Shirguddoonka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiillada Oo Fasax Galay iyo Guurtida Oo Dhexdhexaadinaysa Shirguddoonka
September 13, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) – Golaha wakiillada Somaliland ayaa yeeshay fadhi ammaankiisa aad loo ilaaliyay islamarkaana ciidamo dheeraad ah la keenay kadib markii shalay hogaanka golahaasi is faro saareen.

Fadhiga maanta oo uu guddoominayay guddoomiye xigeenka saddexaad ee Wakiillada Mudane Cali Yuusuf , ayaa 13 mudane soo hor dhigeen mooshin ay ku dalbanayaan in fadhiyada golaha la hakiyo oo dib loo dhigo. mudaneyaasha  oo saddexda xisbi ka kala tirsan ayaa la aqbalay mooshinkooda, waxaanu goluhu sidaasi ku galay fasax ilaa bacda ciida ah.

Golaha guurtida ayaa sidoo kale xafiisyadooda kula kulmay guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro iyo mudane Baashe Maxamed faarax, kuwaasi oo ay kala arinsadeen dib u dhigista fadhiyada golaha iyo sidii loo dhex dhexaadin lahaa labda dhinac. guddoomiyaha guurtida ayaa saxaafadda u sheegay in wada hadal lagu dhammayn doono khilaafka guddoonka wakiillada.

Muddada goluhu fasaxa yahay ayaa la filayaa in la dhexdhexaadiyo guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa koobaan oo shalay dagaal ku dhex maray hogaaminta golaha kadib mooshin xukumadda u saamaxaya wareejinta haamaha Berbera oo golaha la keenay.

 

COMMENTS
LINKS