|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Guurtida Oo Guddi U Saartay Madmadow Ay Ka Dareentay Xeerka Duulista, Hawada;
September 8, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)- Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta dood dheer ka yeeshay xeerka Duulista hawada Somaliland, kaasi oo hay’ad madaxbanaan loogu samaynayo madaarrada dalka. Dooda mudaneyaasha oo muddo saacad ka badan qaadatay ayaa xildhibaannada qaarkood soo jeediyeen in xeerkaasi guddi gaar ah loo saaro kadib markii ay madmadow ku arkeen xeerkaasi. Waxay ku doodeen in xeerka la waafajiyo dastuurka iyo shuruucda dalka. Mudaneyaasha ayaa sheegay in xeerku jidaynayo in hay’add gaar ah oo maamusha madaarrada dalka la aasaaso, balse awooddihii hay’addaasi ay maroorsanayso wasaaradda duulista hawadu, sidaasi darteedna ay tahay in xeerka lagu kala cayimo hanaanka wada shaqayneed ee wasaaradda iyo hay’adda. Si hay’addaasi u hesho awoodeheeda ayaa goluhu go’aamiyay in guddi ka talo bixisa loo saaro. Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in loo xuli doono guddi ay qayb ka yihiin guddida shuruucda ee golaha, guddida dhaqaalaha iyo la taliyaha dhanka sharciga ee golahaasi.
Related posts:DEG DEG Daawo: Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Hada Soo Bandhigtay Gaadiid Dagaal Iyo Hub Kala Duwan... xisbiga Kulmiye Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Taageerayaal Kas... DAAWO; Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ku Baaqay In Doorashada Ka Hor Laga Heshiiyo Arinta Saamiga Qa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|