Firxadka Maareeyaha Madbacadda Qaranka, Faro-madhnaanta Shaqaalaha Iyo Fiirro-la’aanta Xukuumadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Firxadka Maareeyaha Madbacadda Qaranka, Faro-madhnaanta Shaqaalaha Iyo Fiirro-la’aanta Xukuumadda
September 5, 2015 - Written by Editor:

Maxay Dawladdu U Soo Faro-gelin  Wayday Xaaladda Musalafka Ku Dow Ee Madbacadda Qaranka?

Hargeysa (Wajaalenews)- Madbacada Qaranka JSL, ayaa gabi-ahaanba qarka u saaran in albaabada loo xidho, ka dib markii ay ku fashilantay inay horumar ka samayso  waajibaadkeeda shaqo iyo adeegyadda ay dawladda u hayso oo ah inay daabacdo dukumantiga dawladda oo dhan.

madbacada

xaaladda Maamul xumo ee Madbacadda qaranka ee saamaynta ku yeeshay mustaqbalkeedii, waxay wer-wer ku abuurtay ha’yadda dawladda ee ay macmiilka u tahay oo ka cabsi qaba inay maamul xumo u xidhanto Ha’yaddan dawladeed ee adeegyadda muhiimka ah u haysay madbacaddu.

Maareeyaha Madbacadda Qaran Cabdilaahi Carrey saddexdii bilood ee la soo dhaafay wax ka yar toddoba maalmood oo qudha ayuu soo galay xafiiska, waxaanu kaga baxaa wax ka yar saacad isagoo aan wax shaqo ah qaban, hase yeeshee hoosta ka soo xidha xafiiska isla markaana ku qaabila uun odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beeshiisa.

Maareeyaha madbacadda qaranku waxa  aanu dheg u dhigin dalab ay shaqaalaha madbacadda qaar ka mid ahi u geeyeen oo la xidhiidhay inuu wax ka qabto qoddobo la xidhiidha toosinta maamulka iyo kor u qaadista waxsoo saarka madbacadda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen:-

1-Inuu Shaqaalaha Madbacadda ee shaqadda badan qabta u kordhiyo mushaharka.

2-inuu shirar joogto ah oo loo fikirayo sidii madbacaddu ay u soo iibsan lahayd mishiino cusub oo ay kula tartanto madbacadaha gaarka ah oo dhaafay dhinaca qalabka marka la eego.

3- inuu shaqaalaha madbacadda u iibiyo baabuur NOHA ah oo rawixiya shaqaalaha xaafadaha fog-fog degan.

balse qoddobadaasi kamay daadegin Maareeyaha waxna kama uu qaban. waxaanay shaqaalaha madbacaddu ay faq iyo fagaareba ka sheegaan inay la yaaban yihiin sababaha ay xukuumaddu u soo faro-gelin wayday xaaladan musalafka ku dhow ee madbacadda qaranka, iyaddoo muddo sanad iyo dheeraad ah aanu marna madbacaddu diran agabka daruuriga u ah  shaqo maalmeedka madbacadda sida waraaqaha iyo khadadka oo ay ka soo tafaariiqaystaan bakhaaro macaash doon ah, halkii ay berigii hore madbacaddu ka soo iibsan jirtay agabkeeda dalka imaaraadka Carabta.

 

cabdirisaaq cabdi

 

cabdirisaaqabdi@hotmail.com>

COMMENTS
LINKS